Mareykanka oo ku biiray dalalka doonaya in la eryo Ra’iisul Wasaare Xamse

Image
Horaantii todobaadkan, Xamse ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee Mareykanka usoo diray Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa kusoo biiray wadamada doonaya in xilka laga qaado Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, sidda ay wararka sheegayaan.

Washington ayaa la aaminsan yahay in Xamse ay ku haysto taageerada uu u muujiyay ururka Xamaas ee Falastiin kaas oo ay dagaal kuwada jiraan maamulka Yahuuda.

"Mas’uulka kaliya ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee sida cad u taageeray Xamaas waa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, inkastoo inta badan wasiiradiisa ay taageersan yihiin Xamaas iyo Xuutiyiinta," ayay sheegeen Illo wareedyadda.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in Mareykanka uu fariintan la wadaagay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kuna goodiyay joojinta deeqaha.

"Si loo helo kaalmo dhaqaale, Maraykanku waxa uu ka dalbaday Xasan Sheekh in uu shaqada ka eryo Raysalwasaarihiisa, isaga oo ka digaya cunaqabatayn dhaqaale oo suurtagal ah, waxana uu tilmaamay in ay ka faa’iidaysan doonaan saamayntooda si ay uga hortagaan wax kasta oo kaalmo dhaqaale ah oo ay ka helaan xulafadooda gobolka Khaliijka haddii uu u hoggaansami waayo," ayay raaciyeen Illaha.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa kamid ah wadamadda taageerada joogtada ah siiya Soomaaliya isla markaana sameyn ku leh go'aanada madaxda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM