Mareykanka oo qad cas u xariiqay hogaanka Soomaalida

Image
Hanjabaadan ayaa si toos ah waxay ugu socotaa saxiixayaasha heshiiska doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Mareykanka oo hanjabaaddii labaad muddo 24 saac gudahood ah usoo dirtay madaxda Soomaalida, ayaa sheegtay in ay beegsanayo "qaswadayaasha" hadii doorashooyinka ay dib uga dhacaan 25-ka Febraayo.

Xukuumadda Washington ayaa shaaca ka dhigtay in ay talaabadan qaadi doonto wixii ka dambeeya 25-ka Febraayo oo loo asteeyay in lasoo gabagabeeyo xulista mudaneyaasha Aqalka Hoose.

Waaxda arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arimaha dibada Maraykanka ayaa ka digtay dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada iyo la fulin waaye heshiiska doorashada golaha shacabka iyada uu taaganyahay is qab-qabsi u dhexeeya xubnaha guddiga doorashada.

"Doorashooyinka Soomaaliya sanad ayey ka dib dhaceen jadwalkooda. Mareykanka waxa uu diyaar u yahay inuu tallaabooyin ka qaado qas-wadayaasha, haddii aan jadwalka Golaha Wadatashiga Qaran aan laga dhabeyn,” ayaa lagu xusay bayaanka oo lagu faafiyay barta rasmiga ah ee Twetter-ka.

Maalin kahor ayey aheyd ka gedaal markii sidan oo kale uu hanjabaad noocan ah u bixiyey afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka, Ned Price.

Mareykanka ayaa horey dhowr jeer ugu hanjabay inuu beegsan doono qas wadayaasha Soomaaliya, hase yeeshee weli ficil ma qaadin tan iyo markii uu bilaawday khilaafka doorashada inkastuu uusan qaadin wax talaabo ah

Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr mar waxaa lagu eedeeyay in uu ka shaqeeyay dib u dhaca codaynta oo ahayd in sanad kahor ay qabsoonto.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho kusoo dhammaaday 9-kii Janaayo ayaa lagu go’aamiyey in doorashada Golaha Shacabka lagu soo afjaro 45 maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka Janaayo kuna eg 25-ka bisha Febraayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM