Mareykanka oo shaaciyay mowqifkiisa xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Turkiga oo xulafo la ah labada dal ayaa waxa uu waddaa dadaalo isku-soo-dhaweyn ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareysi gaar ah oo uu bixiyay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley ayaa iftiimiyay dadaallada diblumaasiyadeed ee socda iyo caqabadaha amni ee ka jira dalka Bariga Afrika.

Arrimaha is-dul-saaran ee taagan ayaa waxaa kamid ah dadaallada Mareykanka uu ku doonayo in xal nabadeed oo diblumaasiyadeed loogu helo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeyey khilaaf ka dhashay bilowgii sanadkan markii Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la gashay maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland, heshiiskaas oo ay Soomaaliya u aragto mid meel ka dhac ku ah qaranimadeeda.

Heshiisku wuxuu siinayaa Itoobiya in ay ka kirayso qayb weyn oo ka mid ah xeebaha Badda Cas ee Somaliland si ay halkaas uga dhisato saldhig ay dagaan ciidamadeeda badda.

Inta lagu guda jiro wareysiga lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, Riley oo xilka loo dhaariyay bishii May, ayaa VOA la wadaagay aragtidiisa ku aaddan sida ay uga go’an tahay Mareykanka inay helaan go’aano nabadeed iyo inay dowladda Soomaaliya ka taageeraan la dagaalanka argagixisada.

"Aad ayaan uga warqabnaa oo aan si wada jir ah uga shaqeyneynaa si aan u hubinno in xal diblumaasiyadeed laga gaaray xaaladdan hadda jirta," ayuu yiri.

“Waa xaalad nasiib-darro ah, qas badan, oo ku bilaabmay... Is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaanan isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.”

Turkiga ayaa isku dayaya inuu dhex dhexaadiyo khilaafka u dhaxeeya dalalka deriska ah, isagoo labo wareeg oo wadahadal ah ku yeeshay Ankara heshiis la’aan.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo dalalkooda ku matalay shirka ayaan wax wada hadal ah yeelan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa wada xiriirinayey labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa ku tilmaamay wada-hadallada xilligaasi inay ahaayeen kuwo “faah-faahsan, niyad-sami iyo aragti fog. Wareeg saddexaad oo wadahadalo ayaa loo madlan yahay.

Xiisadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa sii huriyay heshiis dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Masar, kaasoo isagana abuuray walaac iyo shaki dheeraad ah oo dhinaca Itoobiya ah. Heshiiskaan ayaa waxaa loo arkay mid sii kordhinaya xiisadda, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay jiraan is-mariwaa horay uga jiray xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo dhalisay in Itoobiya ay ka falceliso si cad, iyada oo cabsi laga qabo in heshiisyada noocan ah ay keeni karaan khilaafaad hor leh oo gobolka ka dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM