Mareykanka oo shaaciyey in uu duqeyn ku dilay 19 Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa ka dhacay meel qiyaastii 285 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho.

WASHINGTON, USA - Ciidamada Mareykanka ayaa Arbacadii duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Soomaaliya, waxaana lagu dilay 17 argagixiso, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika Jimcaha maanta ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel qiyaastii 285 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho kadib markii ay codsatay dowladda Soomaaliya oo ciidamadeeda ay dagaal kula jireen maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku caddeeyay in aysan jirin dad rayid ah oo wax ku noqday ama lagu dilay howlgalkan dhanka cirka ah.

"Al-Shabaab waa shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna halista badan caalamka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto dadka rayidka ah ee Soomaaliya, Bariga Afrika iyo Mareykanka," ayuu yiri Taliska AFRICOM

Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dhaqdhaqaaqa ciidamada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo laba-jibaarmay tan iyo markii Madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay codsigii Pentagon-ka in ay ku laabtaan Soomaaliya bishii May.

Bishii hore ee October, duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya ayaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa Jimcada maanta ah shaacisay in boqolaal Al-Shabaab ay ku dishay howlgalo ciidamadda ay ka fuliyeen gobolo kala duwan oo waddanka ah afartii todobaad ee lasoo dhaafay ayna kula wareegtay degaano iyo tuulooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM