Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay 30 Al-Shabaab ah

Image
Taliska AFRICOM ayaa xusay in howlgalkaas uu ka dhacay meel 260 KM u jirta caasimada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaca ka dhigay in soddon kamid ah dagaalameyaasha Al-Shabaab ay ku dileen duqeyn ay 20-kii Janaayo, 2023 ka fuliyeen bartamaha dalka Soomaaliya.

AFRICOM oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa daaha ka rogtey in weerarkaas dhanka cirka ah uu ka dambeeyay markii xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ay weerareen saldhig ay leeyihiin ciidanka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtey bayaanka uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, saldhigaas ayaa waxa uu ku yaallaa meel qiyaastii 260 KM dhanka Waqooyi Bari kaga beegan magaala madaxda Muqdisho.

Warka qoraalka ah ayaa lagu caddeeyay in dagaalameyaasha Al-Shabaab ee weeraray xeradaas ay tiradoodu gaareyso 100 maleyshiyo ah kuwaasoo abaabulnaa islamarkaana ismiidaamiyeyaal kamid ahaayeen.

"Marka la eego goobta uu dagaalku ka dhacay oo fog, talisku waxa uu qiimeeyay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay [howlgalka]," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sheegashadan ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda Soomaaliya ay shalay shaacisay in in ka badan 100 dagaalameyaal Al-Shabaab ah ay ku naf-waayeen weerar ay ku qaadeen saldhiga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

"Falalka is biirsaday ee ay qaadeen ciidamada huwanta ah iyo duqeynta is-difaac ah ayaa lagu qiyaasay in ay ka dhasheen burburka saddex baabuur iyo dhimashada ku dhawaad ​​soddon ka tirsan argagixisada Al-Shabaab," ayuu taliska AFRICOM yiri.

Al-Shabaab ayaa dhankooda waxay wariyeen in 169 kamid ah ciidamadda Soomaaliya ay ku dileen weerarkaas ku bilowday laba qarax gaari is-miidaamin ahaa. Illaa haatan, si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashooyinkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM