Mareykanka oo u hanjabay madaxda Soomaalida

Image

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii ka digtay in ay tallaabo ka qaadi doono kuwa carqaladdda ku ah dariiqa nabadda Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskudayga shaqa-joojinta Ra’isulwasaare Rooble ay tahay mid walwalkeeda leh, isla markaana uu Mareykanka taageerayo dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo.

“Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa caqabadda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya. Iskudayga shaqo-joojinta Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waa mid laga naxo, waanu taageersannahay dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyada waa in ay ka baaqsadaan ficillada iyo hadallada kicinta ah," ayuu lagu yiri hadalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Dhanka kale, Ilhan Omar oo ah gabar Soomaali-Mareykan ah oo ka tirsan Koonagreeska Mareykanka ayaa qoraal ay Isniinti soo saartay ku sheegtay, in muddo xileedka Madaxweyne Farmajo ay kasoo wareegatay hal sano, sidaasi daraadeedna la joogo waqtigii uu bixi lahaa, si loo loo socodsiiyo doorashooyinka muddada dheer qaatay.

Hadalka kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa yimid, maalin kaddib marki uu madaxweyne Farmajo sheegay inuu shaqada ka joojiyay ra’isulwasaare roobe, arrintaas oo uu ka biyo diiday raisulwasaaraha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM