Mareykanka oo xaalada Soomaaliya kala hadlay Kenya

Image
Talaabadan ayaa u muuqata mid uu cadaadiska ugu kordhinayo hogaanka Soomaalida.

MUQDISHO, Soomaaliya - Antony Blinken, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa mar kale ku celiyay diidmada Mareykanka ee isku daygii Farmaajo uu shaqadda uga joojiyay Maxamed Xuseen Rooble.

Mowqifkan ayuu mar kale muujiyey kadib wadahadalo dhanka telefoonka ah oo uu la yeeshay hogaamiyaha waddana Kenya, Uhuru Kenyatta, sida ku xusan qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Kenya Antony J. Blinken ayaa maanta la hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ay ka wadahadleen arrimaha ammaanka gobolka oo ay ka mid yihiin xaaladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Itoobiya, waxay isla garteen baahida degdegga ah ee loo qabo joojinta colaadda, gargaarka bini'aadantinimo oo aan la xannibin, joojinta xadgudubyada xuquuqul insaanka, iyo in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda.

Xoghayuhu waxa uu sheegay in Maraykanku uu si weyn u taageersan yahay dedaallada dhexdhexaadinta ee Madaxweyne Kenyatta iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Olusegun Obasanjo.

Dhanka Soomaaliya, Xoghayuhu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in madaxda qaranka iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay si degdeg ah u soo gebagebeeyaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha oo laga ilaaliyo wax is-daba-marin khatar gelinaya kalsoonida natiijada.

Xoghayuhu waxa uu xusay in Maraykanka ay ka soo horjeedaan isku daygii lagu doonayay in lagu hakiyo shaqada Ra’iisal Wasaare Rooble, waxa ayna isku raaceen in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay ka waantoobaan ficilada iyo hadalada sii kicinaya.

Talaabadda uu Mareykanka xaaladda Soomaaliya kala hadlay Kenya ayaa u muuqata mid uu ku doonayo in uu cadaadiska ku kordhiyo Farmaajo kaasoo la rumeysan yahay in khilaafka kala dhaxeeya uu xoogeystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM