Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish
Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale adkaysay inay garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ISIS (Daacish), iyada oo xustay in iskaashiga labada dhinac uu kor u qaadayo nabadda, xasilloonida iyo amniga guud ee dalka.
Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay si dhow ula shaqayn doonto Xafiiska La-taliyaha Amniga Qaranka (NSA) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) si loo baabi’iyo khatarta argagixisada ee ka jirta Geeska Afrika.
Danjire Riley ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Talaadadii kula yeeshay La-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka, Danjire Aweis Xaaji Yuusuf Axmed, oo lagu qabtay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Kulankaas ayuu uga hambalyeeyay xilka cusub ee uu dhawaan la wareegay, isagoo beddelay La-taliyihii hore, Xuseen Sheekh Cali.
"Mareykanku muddo dheer ayuu ahaa lammaane muhiim ah oo amni, garabna u ahaa Soomaaliya iyo hawlgalka AUSSOM ee la dagaallanka kooxaha argagixisada. Argagixisadu waa khatar weyn oo jira, kuna wajahan Soomaaliya, gobolka, iyo guud ahaan caalamka," ayuu yiri Danjire Riley oo qoraal ku daabacay bartiisa X.
"Waxaan rajaynaynaa inaan si dhow ula shaqayno Danjire Aweis si aan uga hortagno caqabaddan muhiimka ah, taasoo u baahan diiradda, dadaal iyo taageero mideysan oo ka timaadda dhammaan saaxiibada iyo lammaanayaasha amniga Soomaaliya," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Kulankan ayaa imaanaya maalmo kadib markii uu dalka booqasho rasmi ah ku yimid Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, kaasoo ballanqaaday iskaashi dhow oo dhexmara AFRICOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
"Weerarradan awoodda leh waxay muujinayaan go’aanka iyo ballanqaadka Mareykanka ee ah in la ilaaliyo muwaadiniinta Mareykanka iyo saaxiibadeenna ka hortagga khatarta argagixisada caalamiga ah," ayuu yiri Jeneraal Anderson.
"Waxaan leenahay khatar mideysan, sidaas darteed waa in aan si wadajir ah wax uga qabannaa," ayuu hadalkiisa ku daray.
Dowladda Mareykanka ayaa si gaar ah u tababarta una qalabaysa Cutubka Danab ee ka tirsan CXDS, kuwaasoo door muhiim ah ka qaata dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Sidoo kale, Mareykanku wuxuu si dhow ula shaqeeyaa Ciidamada Ka-hortagga Argagixisada ee Puntland si loo wiiqo dhaqdhaqaaqa kooxaha Daacish ee ku sugan gobolkaasi.
GAROWE ONLINE