Mareykanka oo xayiraad saarey sarkaal muhiim u ah ISIL-Somalia

Image
ISIS-Soomaaliya ayaa heshay dakhli lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doolar qeybtii hore ee 2022 iyo 2021.

WASHINGTON, United States - Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay C/weli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee Daacish garabka Soomaaliya.

Yuusuf ayaa lagu eedeeyay in uu kaalin muhiim ah ka qaatay tashkiilinta dagaalyahanada Ajaanibta ah, saadka iyo saanad uu u soo iibintay Daacishta Soomaaliya.

ISIS-Soomaaliya ayaa heshay dakhli lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doolar qeybtii hore ee 2022 iyo 2021.

Lacagtan oo ku timid qaab baad ah ayay kooxda ka uruurisay ganacsiyada gudaha, xoolaha iyo beeraha, sida ay sheegtay waaxda maaliyadda Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM