Mareykanka oo xayiraad saarey siyaasiyiinta Soomaalida

Image

WASHINGTON, USA - Tallaabo diblomaasiyadeed midii ugu wayneed ay dowlada Mareykanka ku dhawaaqdo taas oo ah iney hirgelineyso tillaabooyin ciqaabeed oo ka dhan ah mas'uuliyiinta Soomaalida ee ku lug leh musuqmaasuqa doorashada iyo ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah warbaahinta, mucaaradka iyo rayidka ayaa qarka u saaran in ay soo baxdo.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegatay markii uu dhamaaday sanadkii sharci darada ahaa ee Farmaajo ku darsadey xukunka.

Madaxweynihii hore iyo xulafadiisa ayaa lagu eedeeyaa inay caqabad ku noqdeen habsami u socodka howlaha doorashada iyo inay si sharci darro ah u adeegsadaan iska horkeenka shacabka iyo u cagajugleynta joogta ay ku hayaan dadka ka fikirka duwan.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa noqonaya diidmadii ugu adkeyd ee xukunka Farmaajo oo lagu sifeeyay ku takri fal awoodeed, xasillooni darro iyo u janjeersiga halista ah ee jeclaanta xukunka.

"Maanta oo ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhawaaqayaa dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha ee xaddidaya bixinta fiisaha mas'uuliyiinta hadda ama kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay inay mas'uul ka yihiin, ama ku hawlan yihiin, wiiqista geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan rabshado ka dhan ah dibad-baxayaasha, xarigga aan cadaalad ahayn, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo wax isdaba marinta habraaca doorashada." ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Siyaasaddan ayaa lagu dabbaqi doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqday hannaaka doroashada, kuwaas oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgalinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca, geystayna caga jugleyn, xarig iyo tacadiyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah"

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray xayiraaddan oo sidoo kale y sidoo kale saameyneyso qoysasaka shakhsiyaadkan oo aan magacoodaa la shaacin.

"Hoggaamiyayaasha heer qaran iyo heer federaal ee Soomaaliya waa inay fuliyaan ballan qaadkooda ahaa in lagu soo dhameystiro hannaanka doorasho hufan oo lagu lagu kalsoonaan karo ee baarlamaanka 25-ka Febraayo, taas oo sii adkeyneysa gundhigga dowladanimada Soomaaliya. Mareykanka wuxuu si xooggan u taageerayaa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go'an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM