Mareykanka oo xayiraad ugu goodiyey madaxda Soomaalida
WASHINGTON, USA - Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku hanjabtey in ay xayiraadyo dhanka socdaalka ah kusoo rogi doonto Soomaaliya haddii dib u dhac kale ku yimaado doorashada baarlamaanka.
Ned Price, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo warbaahinta la hadlay, ayaa hoosta ka xariiqay in Washington ay ku adkeyneyso madaxda Soomaalida in ay fuliyaan heshiikii 9-kii Janaayo.
"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda qaranka iyo kuwa federaalka xubnaha ka ah Soomaaliya inay u hoggaansamaan waqtiga cusub ee lagu heshiiyey oo ay saxaan khaladaadka habraaca," ayuu xusay.
Dhawaqan ayaa yimid saacado kadib markii Farmaajo uu taageeray heshiikii 9-kii Janaayo. Wararku waxay xusayaan in ogolaanshiyaha ay ku qasabtey hanjabaadan oo si gaar ah loogu soo marsiiyey khadka telefoonka.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shalay ugu baaqday madaxda siyaasadda Soomaaliya in ay ka fogaadaan daandaansiga dalka ka weecin kara in ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo.
Sida ku xusan qoraal kooban oo Talaadada maanta ah lagu daabacay bogga safaaradda ee mareegga Twitter-ka, hogaamiyeyaasha ayay ku boorinaysaa in ay u qaabiyaan laamaha amniga in ay dhexdhexaad ka noqdaan siyaasadda.
"Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay soo gebagebeeyaan hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25-ka Febraayo, sida lagu heshiiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran," ayay tiri.
Qoraalka oo ku qornaa luuqadda English-ka ayaa waxaa la raaciyey: "Waa in laga fogaadaa daandaansiga ka weecin kara hawsha, ciidamada ammaankuna waa in ay dhexdhexaad ka ahaadaan".
Mareykanka ayaa kamid ah saaxiibadda caalamka ee saameynta ugu xooggan ku leh doorashooyinka waxaana ay hogaaminayeen ololihii cadaadiska lagu saarey madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ee taageeray heshiiska.
GAROWE ONLINE