Mareykanka oo xoojiyey taageerida dedaaladda Rooble

Image
Farmaajo ayaa la rumeysan yahay in tani ay ku tahay cadaadis iyo dharbaaxo uu luminayo codadka daneeyeyaasha caalamiga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa kordhiyey taageeradda uu siinayo dedaaladda ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ugu jiro qabashadda hanaan doorasho oo loo mideysan yahay.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee qaaradda Afrika, Molly Phee, ayaa daaha ka rogtey in ay ay telefoonka kula hadashay Rooble iyo madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo.

Phee ayaa ku boorisay Farmaajo inuu ku taageero Rooble Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo dhameystirka doorashooyin lagu kalsoonaan karo, sida ku xusan qoraal ay soo saartey.

Sidoo kale, waxay adkeysay in si degdeg loogu baahan yahay in la joojiyo hadalada iyo ficilada sii hurinaya xaalada, isla markaana  in Ciidamada ammaanka ay dhex dhexaad ahaadaan.

Garab-istaaga Washington ee wasiiirka koowaad ayaa loo arkaa mid siineysa dardar iyo kalsooni horleh taasoo uu ku qabto coddeyntan sidda u daahdey dibna ugu dhacdey muddo sanad ku dhow.

Caksideeda, Farmaajo oo doonaya in uu mar labaad u tartamo jagada ugu saraysa Soomaaliya ayaa waxay ku tahay cadaadis iyo dharbaaxo uu luminayo codadka daneeyeyaasha caalamiga ah.

Xiriirka labada mas'uul ee ugu sareeya Soomaaliya ayaanan wanaagsaneyn sababo ku aadan in ay isku-maan-dhaafeen qaabka loo qabanayo doroashada oo Farmaajo doonayo in loo boobo.

Rooble oo kamid ah dadka Farmaajo ku eedeeyay in uu doonayo in uu musuqmaasuq iyo laaluush u adeegsado burburinta cadaaladda ayaa ku adkeystay in uu qabanayo doorashooyin lagu tartamo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM