Mareykanka: Qaraxii Soobe waxaa lala eegtay Wasaarada Tacliinta

Image
Lataliyaha Amniga Qaranka Ameerika, Jake Sullivan, ayaa sheegay in Washington ay wali garab-taagan tahay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka oo si kulul uga hadashay weerarka Al-Shabaab ka fulisay isgoyska Soobe ee Muqdisho ayaa waxay sheegtay in ay wali garab taagan tahay dhigeeda Soomaaliya.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa wuxuu qaraxyadaas ku sifeeyay "fal aad u fool xun oo aan marnaba laga fiirsan".

Sullivan oo bayaankiisa lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee Aqalka Cad ayaa hoosta ka xariiqay in Washington ay murgada la qeybsaneyso dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada ksoo gaartey falkaas.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Sullivan ayaa tibaaxay in weerarka lala beegsadey Wasaaradda Waxbarashadda oo gaariga koowaad ee qaraxa uu ku dhacay halka qaraxa labaad uu beegsadey dhaawacyada.

"Dowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareynaysaa falkii argagaxa lahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 100 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​300 oo kale, waxaana si gaar ah ay u cambaareysay weerarkii foosha xumaa ee lagu bartilmaameedsaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo dadkii ka jawaabay," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan dadkii eheladooda ku waayey ama ku dhaawacmay weerarradaas aan laga fiirsan ee loo geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan".

"Dowladda Mareykanka ayaa weli ku adkeysaneysa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taageerto dagaalka ay kaga hortagayso falalka argagaxiso ee xun xun," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sidda hagar la'aanta ah uga taageeraya Soomaaliya gulufka ka dhanka ah xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ee argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM