Mareykanka soo farageliyey "dib-u-heshiisiinta" Koonfur Galbeed

Image
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la kulmay danjiraha Washington u fadhiya Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka ah Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Khamiista maanta ah wuxuu kulan la qaatay danjiraha dalka Mareykanka Larry Andrè.

Andrè ayaa, sidda lagu sheegay bayaan, wuxuu Guddoomiye Sheekh Aadan uga mahadceliyay sida dowladda Soomaaliyeed ay ula shaqeeyso wadamadda beesha caalamka.

Safiirka ayaa "taageeray dib u heshiisiinta uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay islamarkaana dhawaan loo madlanyahay inay ka bilaaban doonta magalada Baydhabo ee caasimadda KMG Koonfur Galbeed".

Sidoo kale Amb. Larry Andrè ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay si buuxda u taageeri doonto horumarinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Aadan Madoobe oo gabagabada kulanka ku boggaadiyay dowladda Mareykanka taageerada iyo mashaariicda horumarineed oo ay ka fulisay Soomaaliya iyo taageerada dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaariijta oo cadow ku ah jiritaanka iyo qaranimada dalka.

Wadahadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen uu Khamiista maanta ah ka dagay magaalada Garowe halkaasoo la filayo in uu shir gaar ah kula yeesho dhigiisa Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni iyo Laftagareen ayaa is-aragooda kadib waxaa laga yaabaa in ay si wadajir ah ugu socdaalaan Itoobiya halkaasoo maalmo kahor ay isku soo arkeen. Madaxweynaha Puntland ayaa maarkaas ka yimid Imaaraadka, halka Laftagareen uu sii joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM