Mareykanka: Soomaali lagu helay argagxisanimo oo lasoo tarxiilay

Image
Omer Abdi Mohamed, oo ah 38-sano jir muwaadin Soomaaliyeed ayaa dalkiisa hooyo loosoo musaafuriyey 28-kii Abriil.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa soo tarxiilay Soomaali lagu helay in uu taageero maaliyadeed u fidiyey kooxo argagixiso, sidda laga soo xigtey qoraal kasoo baxay Hay'adda Socdaalka Ameerika.

Omer Abdi Mohamed, oo ah 38-sano jir muwaadin Soomaaliyeed ayaa, sidda ku xusan bayaankan uu arkay warsidaha Garowe Online, waxaa dalkiisa hooyo loosoo musaafuriyey 28-kii Abriil.

Xeerbeegti guud ayaa Maxamed ku soo oogay inuu maleegayay inuu taageero agab ah u fidiyo argagixisada iyo shirqool dil, afduub, naafayn iyo dhaawac November 19, 2009.

Waxaa lagu helay dambigaas waxaana lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyo 20-sano dabagal ah. Maxkamadda Degmadda Mareykanka ee Minnesota ayaa xukunkaas ku riday May 29, 2013.

"Xukunka maxkamada socdaalka ee musaafurinta Mohamed waxa u muujineysaa kuwa doonaya in ay taageeraan argagixisanimo nooc kasta ha ahaatee in aysan ka heli doonin gabaad ama mudnaan gudaha Mareykanka," ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska ERO, Seattle Drew H. Bostock.

Wuxuu raaciyey: "Saraakiisha ERO waxay sii wadaan inay badbaadiyaan bulshooyinkayada iyagoo isticmaalaya macluumaadka ugu fiican ee la heli karo si loo helo, loogana saaro, khataraha badbaadada bulshada ee bulshadeena".

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada ay sidda aadka ah ugu qulqulayaan muhaajirinta Soomaalida iyo ajaaniibta kale ah. Go'aankan wuxuu soo baxayaa iyadda oo haatan uu qulqulkaas aad u muuqdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM