Mareykanka, UK iyo Qadar oo $10 milyan ugu deeqay Soomaaliya

Image
Iskaashigan saddex-geesoodka ah ayaa daaran la tacaalida arrimaha abaaraha iyo bini'aadantinimada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qadar ayaa Khamiista maanta ah waxay magaalada Muqdisho ku daahfureen iskaashi saddex geesood ah kaasoo ay $10 milyan uga qeyb-qaadanayaan wax ka qabashada abaaraha iyo xaaladaha bini’aadantinimada Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Dowladda Mareykanka (iyadoo u sii marinaysa Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga (USAID), Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Muqdisho iyo Sanduuqa Horumarinta ee Qatar (QFFD) ayaa maanta soo bandhigay heshiis iskaashi horumarineed si ay u daahfuraan barnaamijka gargaarka abaaraha iyo adkeysiga oo ay ku baxeyso $10.5 milyan oo uu dhaqan-galinayo barnaamijka Dhisidda Adkeysiga Bulshooyinka ee Soomaaliya (BRCiS). Iskaashigan saddex geesoodka ah wuxuu xoojinayaa maalgashiga ka-hortagga macluusha iyo dhisidda adkeysiga ee ay horaan u sameeyeen USAID, UKAID, iyo QFFD sanadihii 2021/22 wuxuuna awood u siin doonaa BRCiS inay joogteyso bixinta adeegyada naf-badbaadinta ah iyadoo la dardargelinayo dadaallada soo kabashada lixda bilood ee soo socota.
 
Abaaro ba’an oo ay la socdaan colaado ka jira Soomaaliya ayaa sababay in 6.6 milyan oo qof ay soo food saarto cunto yari ba’an. Tan iyo bishii Jannaayo 2022, in ka badan 3 milyan oo qof ayaa barakacay, heerka dhimashaduna waa ay ka sara martay tii 2017ki. Qiyaastii 43,000 oo dhimasho ayaa la soo sheegay - kuwaas oo kala bar ay ku jireen carruur ka yar shan sano. Haddii aan la sii wadin taageerada, in ka badan nus milyan carruur ah oo ay da'doodu ka yar tahay shan sano ayaa halis ugu jira nafaqo-xumo iyo dhimasho sannadkan.
 
Mike Nithavrianakis, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa yiri: “Xaaladda Soomaaliya weli waa halis. Waxaan bogaadinaynaa bixinta gargaarka bini'aadannimo ee joogtada ah ee ay bahwadaagteena ku bixiyeen ka hortagga macluusha dalka oo dhan sanadkan. Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini'aadannimo oo keliya ma xallin karto dhibaatada. Taasi waa sababta UK ay u xoojineyso ka jawaabidda BRciS ee abaaraha iyadoo loo marayo wadashaqeynta Mareykanka iyo Qatar."
 
Iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa markii ugu horeysay isu geyn doona maalgashiga UK, U.S., iyo Qatar iyadoo loo marayo hal barnaamij, BRciS. Tani waxay hubin doontaa in la sii wado gaarsiinta gargaarka lacageed ee degdegga ah si loogu iibiyo cunto iyo gargaar bani'aadannimo oo dhinacyo badan leh oo ay weheliso waxqabadyada adkeysiga si loo hubiyo in bulshooyinka la ilaaliyo lana awoodsiiyo.
 
Perrine Piton, Madaxa barnaamijka BRCIS ayaa tiri: "Tabarrucyadani waxay badbaadin doonaan nolosha dadka dhibaateysan. Deeqadan waxa ay awood noo siin doontaa in aan xoojino nidaamyada suuqa ku salaysan ee keena sahayda iyo dalabaadka iyada oo la hubinayo in 41,000 qof ay helaan gargaar cunto oo degdeg ah, 330,000 oo qof ay helaan biyo nadiif ah, fayadhowr iyo agab nadaafadeed, iyo 175,000 qof oo la siin doono adeegyo caafimaad iyo nafaqayn naf-badbaadin ah.”
 
"BRCIS waxay sii wadi doontaa taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed ee ku dhex nool bulshooyinkooda," ayuu yiri danjiraha Mareykanka Larry André. "Iskaashiga waa udub dhexaadka hawlgalka Mareykanka iyo Soomaaliya. Deeqdaan waxay ballaarinaysaa iskaashiganaga, UK iyo Qatar si loo sii wado loona kordhiyo guulihii hore.”
 
Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi, Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, ayaa yiri: “Dhibaatada abaaruhu waxay mugdi gelisay xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya oo markii horeba ka sii dareysay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus, taasi waxay saameysay malaayiin qof, waxayna kordhisay khatarta macluusha, barakaca, cunto yarida, iyo nafaqo-xumada ba'an ee soo wajahda carruurta. Bixinta taageerada bini'aadannimo iyo gargaarka waxay yaraynaysaa malaayiinta ay saameeyeen xaaladaha bini'aadannimo, ka caawinta inay u adkeystaan xaaladahan adag, iyo ka shaqaynta badbaadinta nolosha, taas oo ah ugu horrayn waajib saaran aadanaha."


GAROWE ONLINE

Related Articles

 Soomaaliya oo laga reebay dalalka Muwaadiniintooda Fiisaha Kenya loo fududeeyay

Soomaaliya ayaa laga reebay sababo la xiriira amniga, sida Liibiya oo ku taalla waqooyiga Afrika.

  • Soomaliya

    22-01-2025

  • 09:27AM

Taliyaha Ciidamada Israa'iil oo Fashil dartiis isku casilay

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Israa'iil Yair Lapid ayaa ku amaanay Halevi go’aanka uu ku istaagay, isagoo ku baaqay in Netanyahu uu ku daydo.

  • Soomaliya

    22-01-2025

  • 07:10AM