Markab "hub sharci daro keenay" Soomaaliya oo la qabtey

Image
Qabashada markabka ayaa timid iyadda oo ay sare u sii kacayaan rabshadaha dalka Yemen.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanka Cumaan waxay ku qabteen Markab hadda ka hor hub geeyey Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Ciidamada badda Maraykanka ayaa sheegay in markabka gantaalaha xambaara ee USS Cole uu markabkan ku qabtay meel u dhow biyaha dalka Iran.

Markabka ayaa isticmaalayey marin ay inta badan adeegsadaan doomaha iyo maraakiibta hubka u geeya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Waxaa saarnaa maadooyinka kiimikada ee loo adeegsado in lagu sameeyo walxaha qarxa.

Markabkan ayaa sanaddii tagtay waxay sidoo kale ciidamada Mareykanka ku qabteen xeebaha Soomaaliyan iyada oo ay saarnaayeen hub badan, waxaana lasii daayey markii hubka laga reebay.

Warka kasoo baxay ciidamada badda Mareykanka ayaa intaas ku daray in markabka la qabtay 6-dii Janaayo, waxaana saarnaa shan qof oo u dhashay dalka Yemen.

Qabashada markabka iyo kiimikada halista ah ee saaran ayaa timid iyadda oo ay sare usii kacayaan rabshadaha dalka Yemen ee u dhaxeeya isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo iyo dagaal-yahanada Xuutiyiinta.

Jimcihii, ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dulay 100 kalena waa lagu dhaawacay dalka Yemen kadib duqeyn ay fuliyeen Sacuudiga. Weerarka ayaa lagu beegsaday xabsi ku yaalla Yemen, wuxuuna qeyb ka ahaa dadaal dib loogu riixayo Xuutiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM