Markab hub sida oo Berbera kusoo xirtey

Image

January 24, 2015 (GO)- Markab sida shixnad hub ah oon la aqoonin cida loo wadey ayaa kusoo xirtey dekedda magaalada Berbera. Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo warbaahinta la hadlay ayaa warkaas xaqiijiyey.

Wasiirku wuxuu sheegay in markabka oo lagu magacaabo MV Shakir una raran ganacsato reer Somaliland ah markii rarka laga dejinayey lagu arkey dhowr gaadiidka dagaalka ee qafilan ah, tobanaan qori iyo rasaas fara badan.

Waran-cade wuxuu dhanka kale sheegay in baaritaan lagu wado hubkan iyo cidda iska leh xiliganna su'aalo la weydiinayo kabtanka markabka oo isagu sheegay in shixnadda hubka ah markabka laga soo saarey magaalada Port Sudan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la xirey kabtankii markabka MV Shakir kadib markii uu ka  dhega adaygey inuu bixiyo macluumaad dheeri ah.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1992 Somalia kusoo rogey cuna-qabateyn dhanka hubka ah kadib markii la ridey dowladii militeriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey dalkuna galay marxalad fawdo.

Laga soo bilaabo March 2014, markaasoo la khafiifiyey cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia, Dowlada Federaalku waxay dalka dibadiisa kala timid hub isugu jira 13,000 oo qori iyo ku dhowaad 5.5 milyan oo xabo oo rasaas ah. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM