Markab sida qamadiga Ukraine oo kusoo wajahan Soomaaliya

Image
Dekada Ukraine ayaa inta badan xirnaa tan iyo intii uu dagaalka ka biloowday dalkaasi, balse bishii Luuliyo.

KYVI, Ukraine - Markab Qaramada Midoobay ay leedahay oo lagu magacaabo New Island ayaa ku xirtay dekada ku taala magaalada Badda Madoo wee Chornomorsk ee dalka Ukraine halkaas oo uu ka qaadayo gargaar loo wado Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay wasiir xukuumadda Ukraine ka tirsan.

Dekada Ukraine ayaa inta badan xirnaa tan iyo intii uu dagaalka ka biloowday dalkaasi, balse bishii Luuliyo ayaa qeyb ahaan dib loo furey kadib dhex dhexaadin ay samaysay Qaramada Midoobay si loo qafiifiyo qalalaasaha cunada adduunka.

Waxa horey halkan uga baxay maraakiib raashiin gargaar ah u wada dalalka Yemen iyo Itoobiya.

Wasaaradda Hawlaha Guud ee qaabilsan dekedaha dalkaasi ayaa sheegtay in dekedaha laga dhoofiyay 5.8 milyan tan oo dalagga beeraha ah oo dunida loo kala dhoofiyay.

Abaarta Soomaaliya ayaa noqotay moowduuc lama filaan ah oo soo fuushay miiska wada hadalada Ukraine iyo Ruushka, iyada madaxweynaha Ukraine uu xitaa mar Ruushka ku eedeeyay in uu uga sii darayo abaarta ka jirta Geeska Afrika.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in bisha dambe qeybo ka mid ah Soomaaliya looga dhowaaqi doono macaluul haddii roobabkii la filayay xiligani ay di’i waayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM