Markab sidey qaxooti Somali ah oo gaarey magaalada Barbera

Image

BERBERA, 22 April, 2015 ( GO)- Markab sidey qaxooti u badan Somalia oo tiradoodu gaareyso 450 qof ayaa saaka aroortii soo gaarey magaalada Babera.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland iyo saraakiil ka socdey UNICEF ayaa dadkaas si diirran dekedda Berbera ugu soo dhoweeyey.

Markabkan oo lagu magacaabo NOVA1 ayaa kasoo shiraacdey dekedda Makha ee dalka Yamen.

Asbucyadii lasoo dhaafey, waxaa magaalooyinka Bosaso iyo Barbera kusoo qulqulayey qaxooti isugu jira Somali iyo Yameniyiin kuwasoo kasoo cararay dagaalada ka socda wadanka Yamen.

GAROWEONLINE

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM