Markab Turkish ah oo tagay "afaafka aag ay ka taliso Al-Shabaab"

Image
Qaramada Midoobay ayaa baaraysa dhacdadan. Shakiga waa in markabka uu kooxda u geeyay hub.

ANKARA, Turkey – Guddiga khubarada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee la socda hubka sharci darrada ah ayaa sheegay in ay baarayaan markab laga leeyahay dalka Turkiga oo ku soo xirtay qeyb ka mid ah xeebaha Soomaaliya oo ay maamusho ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab bishii Ogosto 2021-kii.

Markabka, oo ay leedahay ayna maamusho shirkadda Mavi Deniz Taşımacılığı ve Sanayi Ticaret Limited Şirketi ee fadhigeedu yahay Istanbul, ayaa muddo 24 saac ah ku sugnaa meel kaliya 1,000-meter ama hal km u jirta marsada aag maamusho Al-Shabaab, sida laga ogaaday qalabka ku xiran markabka ee sheega halka uu ku sugan yahay ee loo yaqaan (AIS)

"Aagaas ma ahan meel ay maamulaan ciidamada amniga Soomaaliya, waana meel ay Al-Shabaab maamusho, waxaa loo yaqaan Cali Gaduud, oo u dhow Cadale," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay baarayaasha UN-ka.

Sida muuqata, shakiga ayaa ka dhashay sababta markab uu muddo 24 saac ah ugu sugnaa aag ay maamusho Al-Shabaab, waxaana tuhunku yahay in laga yaabo inuu hub u geeyey kooxda.

Milkiilayaasha markabka ayaa sheegay inay weerar kula kulmeen xeebaha Soomaaliya 13-kii August 2021, islamarkaana lagu soo riday qorayga sabanka ama RPG iyo rasaas yaryar, sida laga soo xigtay kabtanka markabka.

Ayada oo ay u muuqato inaanay ka dhaadhicin sheekadaas, ayaa baarayaasha QM waxay warqad rasmi ah u direen shirkadda Turkish-ka ee leh markabka, ayaga ka dalbaday caddeymo ku saabsan sababta markabka ugu xirtay biyo aad ugu dhow meel ay maamusho Al-Shabaab iyo xog dheeri ah oo ku saabsan weerarka ay sheegeen in lagu qaaday.

Shirkadda ayaan kasoo jawaabin su’aalihii baarayaasha Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, waxaana warbixinta loo gudbiyey Golaha Ammaanka 6-dii October 2021. Dowladda Turkiga ayaan weli ka hadlin dhacdadan.

Baaritaanka UN-ka ayaa muujinaya in markabka uu ku laabtey Fethiye oo ka tirsan gobolka ku yaalla Koonfurta Turkey ee Antalya, islamarkaana ku nagaaday xeebta aaggan ay maamusho Al-Shabaab 12-kii illaa 13-kii August.

Sida ku cad xogta diiwaan-ka, markabka ayaa waxaa leh qoyska ninka ganacsade Turkish ah oo lagu magacaabo Erdal Tümsek. Shirkadda markabka leh ayaa bishii Febraayo 2019 codsatay in laga badbaadiyo inay musalafto, taasi oo ay maxkamad ogolaatay.

Inkasta oo dhowr mar loo dheereeyey badbaadadaas, haddana ugu dambeyn shirkadda ayaa musalaftay 15-kii September 2021, sida ku cad go’aan kasoo baxay maxkamad ganacsi oo ku taalla Istanbul.

Arrinta kale ee shakiga weyn dhalisay ayaa ah in markabka ay horey u laheyd hay’ad Turkish oo lagu magacaabo IHH, oo hadda kahor lala xiriiriyey ururuka Al-Qacida, taasi oo iska iibisay 2018.

Bishii Janaayo 2014, dacwad-ooge Turkish ah ayaa dacwaddii ugu horeysay ka xareeyey hay’adda IHH kadib markii baaritaan ay sameeyeen booliska lagu ogaaday inay hub u dusisay jihaadiyiin Al-Qacida ah oo ku sugan Syria.

Sida ku cad dukumentiyada sirta ah ee loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 10-kii Febraayo, 2016, Safiirka Ruushka Vitaly Churkin, wakiilka joogtada ah ee Qaramada Midoobay, ayaa shaaca ka qaaday dukumentiyada sirdoonka Ruushka xitaa waxay diyaariyeen lambarada taargada baabuurta xamuulka ah ee ay IHH u dirtay Suuriya oo ay ku raran yihiin hub iyo sahay u socday kooxaha jihaad doonka ah oo ay ka mid tahay Jabhadda Nusra.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM