Markabkii Puntland Qabatay ee Muqdisho ku wajahnaa oo loo weeciyay Jabuuti

Image

Boosaaso, Agoosto 18 – Markabkii hubka u wadey dowladda Soomaaliya ee Sea World, oo dhawaan lagu qabatay Puntland, ayaa u jiheystay dalka Jabuuti, halkii uu markii hore uu ku wajahnaa Muqdisho. Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii Puntland ay sii daysay.

Markabkan oo ka yimid magaalada Izmir ee dalka Turkiga, ayaa lagu qabtay xeebaha Puntland waxaana gacanta ku dhigay Ciidanka Ilaalada Badda ee Puntland (PMPF),isagoo fadhiya meel ku dhaw degmada Bareeda.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in hubka uu siday markabku uu ahaa mid loogu talagalay saldhigga tababarka ciidamada ee TURKSOM ee ku yaalla Muqdisho, halkaas oo lagu tababaro cutubka Gorgor ee dagaalka adag kula jira Al-Shabaab.

Balse ilo kala duwan ayaa hadda sheegaya in markabka Sea World, oo wata calanka waddanka Komoros, uu si lama filaan ah dib ugu leexday dhanka Jabuuti. Ilaa iyo hadda, ma jirto wax war rasmi ah oo ay siidaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya ama dowladda Turkiga oo ku saabsan isbeddelka jiheyntan iyo sababta dhabtaa ee ka dambeysa.

Puntland ayaa sheegtay in ay markabka sii deysay kadib booqasho uu ku yimid safiirka Turkiga ee Soomaaliya, kaas oo soo bandhigay caddeyn muujineysa in hubka saaran markabku uu yahay hanti dowladeed oo ay leedahay dowladda Turkiga, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Puntland.

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo damaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira muddo kororsi iyo isbeddel sharciyeedyo muran dhaliyay.

Puntland waxay sidoo kale dhaliilay sida dowladda dhexe u maaraysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo dhawaan weerarro culus ku qaaday saldhigyo ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM