Marxuum Cismaan Jeelle oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Image
Madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay salaadda janaazadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Xasan Shekeh ayaa xusay in Marxuumku uu door ka soo qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergey Madaxweyne, kuwaas oo dhammaantood uu ugu shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu, madaxweynaha waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Janaasada Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM