Mas'uul hore oo lagu dilay is-qarxin lagula eegtey Muqdisho

Image
Dadka dhintey ayaa la wariyey in labo kamid ah ahaayeen saraakiil ka tirsanaa ciidamadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay qarax Jimcahii ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo illo dhinaca amniga ah.

Qaraxan oo ahaa is-miidaamin uu geystey naftii-halige ayaa lagu waramay in uu ka dhacay gudaha Xerada Saraakiisha. Dadka dhintey ayaa la wariyey in labo kamid ah ahaayeen saraakiil ciidan.

Marxuumiinta waxaa ku jira Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle), oo ahaa guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda magaalada Marka iyo guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shebeellaha Hoose.

"Markii uu qaraxu dhacayay waxay goobta ahayd mid mashquul badan waxaana hal meel kuwada sugnaa saraakiil kala duwan oo kamid ah xoogga dalka iyo dad shacab ah," ayuu yiri sarkaal ciidan.

Sarkaalkan oo sababo dhanka ammaanka ah uga gaabsadey magaciisa ayaa waxa uu intaas ku daray illaa haatan aan la aqoonsan naftii-haligaha balse ay u badan tahay in uu ahaa qof aaggaas aan horey u imaan.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ayaa si rasmi ah waxa ay uga gaabsadeen in ay fahfaahin ka bixiyaan dhacdadan. Sidoo kale, ma jirto koox wali si rasmi ah u sheegatay falkan oo lagu tuhmayo Al-Shabaab.

Qaraxyadda is-miidaamintan ah ayaa aad ugu soo badanaya gudaha Soomaaliya dhowrkii sano lasoo dhaafay waxaana ay badalayaa qarayadda loo adeegsado baabuurta iyo miinooyinka kuwaas oo kamid ah xeeladaha kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM