Mas'uul ka tirsanaa Wasaarada Qorsheynta oo Muqdisho lagu diley

Image

February 15, 2015 (GO)- Mas'uul ka tirsanaa Wasaarada Qorsheynta ee Dowlada Federaalka ayaa maanta lagu diley degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Mas'uulka geeriyoodey oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Maxamed Siyaad waxaa toogtey labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa xilli uu xafiiskiisa kusii jeedey.

Dableyda dilka geysatey ayaa durbadiiba goobta ka baxsatey haseyeeshee booliska oo daqiiqado kadib aagga dilku ka dhacay xirey ayaa qabtey dhowr qof oo laga shekiyey.

Boolisku waxay sidoo kale sheegeen inay ku raad joogaan dhowr qof oo kale, kuwaasoo la rumeysan yahay inay dilka Yuusuf Maxamed Siyaad wax ka ogaayeen.

Dilka hawl-wadeenkaas waxaa ka tacsiyeeyey wasiirka cusub ee Wasaarada Qorsheynta Cabdiraxmaan Caynte, isagoo ku hanjabey in kuwii ka dambeeyeyna sharciga la hor keeni doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM