Mas'uul ku geeriyoodey qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan. Balse, waxaa looga bartey kooxda Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof mas’uul ah ayaa la xaqiijiyey in uu ku nafwaayay qarax ismiidaamin oo aroornimadii maanta ka dhacay isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo la sheegay in uu si gaar ah uga dhacay agagaarka xerada Dhul-bixinta ayaa waxaa fuliyey naftii-halige watay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Xarbi Salaad Cumar oo kamid ahaa mas’uuliyiinta waaxda gaadiidka dowladda hoose ee Xamar ayaa la xaqiijiyey in uu kamid noqdey dadka ku geeriyoodey is-qarxintan.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan. Balse, waxaa looga bartey kooxda Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ammaanka caasimadda uu dhowrkii maalmood lasoo dhaafay habac ka muuqdey ayna kordheen falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM