Mas'uul lagu dilay qarax ka dhacay caasimadda HirShabelle

Image
Falkan ayaa imaanaya xilli dhowaan uu madaxwayne Xasan Sheekh booqdey magaalada Jowhar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Kaanti ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo Sabtidii ka dhacay suuqa xoolaha ee caasimada HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa sidoo kale ay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidamada maamulka kuwaas oo xaaladooda lagula tacaalayo mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli mashquul badan laga dareemayay suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar, halkaasoo Sabtidii la soo dhaafay xoolo badan laga keenayay.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaano ka sameeyay goobta uu qaraxa ka dhacay balse waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan qaraxa. Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu dhacay maalmo un kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagay Magaalada Jowhar.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u suurta geli waayay inuu gudaha u galo magaalada, sababo la xiriira dhanka ammaanka, waxaana taasi bedelkeeda uu garoonka kula kulmay madaxda dowlad goboleedyada HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM