Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya
MUQDISHO — Wafdi ka socda milateri Masar ayaa gaaray Muqdisho, iyaga kulamo la qaatey Madaxda howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo kuwa Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Wafdigan oo ka kooban 16 xubnood, kuna hoggaaminayo Taliyaha Sare Janaraal Islam Radwan, ayaa la kulmay saraakiil ka tirsan AUSSOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNAF), iyagoo sidoo kale la yeeshay kulan rasmi ah hoggaanka howlgalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika iyo Madaxa Howlgalka, Safiirka El Hadji Ibrahima Diene, kaas oo warbixin ka siiyay wafdiga xaaladda amniga iyo muhiimadda ciidanka cusub ee Masar u yeelan doono hawlgallada Soomaaliya.
Saraakiisha Masar ayaa sidoo kale ka qayb galay warbixin amni oo dhameystiran oo ka dhacday xarunta ATMIS ee Muqdisho, halkaas oo looga hadlay habka loo qorsheynayo hawlgallada ciidanka cusub iyo sida loo dardar-gelinayo taageerada ciidanka Soomaaliya.
Inta ay joogaan Muqdisho, wafdiga ayaa sidoo kale la filayaa inay kormeeraan xarumo muhiim ah oo ah saldhiyada ay degi doonaan Ciidamada Masar, waxaana kamid ah goobahaas Shabeellaha Dhexe iyo gobolka Gedo.
Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab, kuwaas oo weli qabsada deegaano badan oo dalka ka mid ah.
Qorshahan ayaa dhowaan si rasmi ah u ansixiyay Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika (AUPSC), taas oo calaamad u ah ballaarinta taageerada militari ee AUSSOM iyo xoojinta howlgalka Soomaaliya. Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado amni oo baahsan, iyadoo ciidanka dowladda iyo kuwa gobolka ay la kaashanayaan saaxiibada caalamiga ah si loo adkeeyo amniga loona soo afjaro hanjabaadaha argagixisada.
Masar ayaa iyaduna ku biiraysaa dalalka kale ee ka qayb qaata howlgalka AUSSOM, iyada oo ka dhigaysa hawlgalkan mid leh taageero ballaaran oo gobolka iyo caalamka ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasilooni siyaasadeed oo Soomaaliya ka jirta.
GAROWE ONLINE