Masar oo Soomaaliya usoo diraysa ciidamo kamid noqonaya taliska AU-da

Image
Go'aanka ka soo baxay Midawga Afrika ayaa noqonaya mid soo afjara hubanti-la'aan iyo walwal muddo soo jiitamayay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Masar ayaa ciidamo u soo diraya Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaas oo beddelaya hawlgalkii ATMIS ee Somalia, sidaas waxaa shaaciyay Midowga Afrika.

War-murtiyeed ka soo baxay Midawga Africa ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan. Waxaana dalalka kale ee Afrikaanka ah loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Hawlgalkan Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSM- African Union Support and Stabilization Mission) ayaa ku yimid codsi ay dawladda Soomaaliya gudbisay, kaas oo ujeedkiisu ahaa in kaddib bixitaanka ATMIS la helo taageero kumeelgaar ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

Midowga Afrika ayaa boggaadiyay dadaalka iyo ka-go'naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo sare-u-qaadista karaanka ciidamada. Si hawlahaas loo sii dardargeliyana, Midawgu waxa uu beesha calaamka lgu baaqay in kor loo qaado taageerada la siiyo dawladda.

Go'aanka ka soo baxay Midawga Afrika ayaa noqonaya mid soo afjara hubanti-la'aan iyo walwal ku gedaamanaa sida loo maareynayo marxaladda ka dambeysa bixitaanka ATMIS, waana tallaabo dhiirrigelin u noqon karta Dawladdda Soomaaliya oo xusul-duub ugu jirtay la-wareegista guud ee amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Doorasho La Boobo Soomaaliya Kama Dhici Karto

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale si adag uga hadlay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    07-06-2026

  • 12:42PM

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM