Maxaa fashiliyey qorshaha AU ee xalinta khilaafka doorashada?
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa wuxuu si rasmi ah u shaaciyey isaga casilay jagadda ergey gaar ah kooxda dhexdhexaadinta Soomaaliya. Masuuliyadaas waxaa ku maamuusay ururka Midowga Afrika oo u aaminay "awooda uu u leeyahay xalinta khilaafaadka siyaasadeed".
Mahama, oo lagu ixtiraamo wareejinta xukunka ka dib markii uu ka adkaaday madaxweynaha hadda talada haya Gahana ee Nana Addo, ayaa waxaa taageeray dhinacyo dhowr ah oo u arkay inuu astaan u yahay guusha iyo dimuqraadiyadda kaliya ma ahan qaaradda Afrika ee sidoo kale guud ahaan dunida oo dhan.
War qoraal ah oo uu soo marsiiyey kaaliyihiisa gaarka ah Joyce Mogtari, madaxweynihii hore wuxuu ku sheegay inuu ka laabtay aqbalida in uu noqdo Wakiilka Sare ee Soomaaliya sababo ku aadan in dowlada Soomaaliya ay ka soo horjeesatay magacaabistiisa.
Mar uu Mahama hogaanka AU uga mahadcelinayay kalsoonida ay siiyeen, Mr Mahama ayaa wuxuu xusay in "ahmiyada sare ee siyaasadeed ee shaqada la soo jeediyay ay u baahan tahay in Wakiilka Sare uu ku raaxeysto taageerada aan la shaacin iyo wada shaqeynta dhamaan daneeyayaasha siyaasada".
Madaxweyne Mahama oo magacaabistiisa wakiilka Midowga Afrika ay si wada jir ah u soo dhoweeyeen Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, iyo Isbaheysiga Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, wuxuu kaloo warqaddiisa digniinta ah ugu sii diray Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, isagoo caddeeyay in taageero la’aanta Dowladda Federaalka ah ay khatar gelin karto howlaha oo dhan "waxayna wiiqaysaa rajada laga qabo in adduunka oo idil uu ka helo nabad ku soo dabaalida dhulka la qadariyo ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri lagu daabacay internet-ka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu leeliyo Farmaajo ayaa waxay kor uqaaday diidmada magacaabistiisa, waxayna ku doodeysaa inuu yahay shaqsi aad ugu dhow Kenya.
Maamulka Farmaajo oo waqtiga ka dhacay wuxuu marar badan Kenya ku eedeeyay "faragelinta siyaasada gudaha ee Soomaaliya," sheegashadaas oo Nairobi inta badan beeniso.
"Madaxweynihii hore ee Ghana wuxuu wali helayaa codsiyo ka kala imanaya hay'ado iyo kooxo caalami ah isla markaana si weyn loogu ixtiraamo sida ay uga go'an tahay xoojinta dimoqraadiyada, dhismaha iyo horumarka wuxuu fursad u helay inuu dib u xaqiijiyo ka go'naanshihiisa himilada Midowga Afrika ee isku dhafka, barwaaqada iyo nabada Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya," ayaa lagu sii daray qoraalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku doodeysa in AU ay tahay inay marka hore u ogolaato Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu dhameystiro wareeg kale oo wadahadal ah ka hor inta uusan gacan siinin.
Waqti-xadirkan, Rooble ayaa hoggaaminaya wadahadallada dhexdhexaadinta ka hor doorashada ee ka socda Muqdisho, halkaas oo la rajeynayo in xal rasmi ah laga gaaro khilaafka doorashada.
Durba, madaxda gobolka oo ay kala hogaaminayaan Saciid Cabdullaahi laahi Deni, Axmed Islaam Maxamed Madoobe oo Jubaland ah, iyo Axmed Qoorqoor oo Galmadug ah ayaa wada hadalo u jooga caasimada. Labada koox ayaa isku dayaya inay furfuraan carqaladda iyagoo raadinaya heshiis ku habboon doorashooyinka.
Mar sii horeysay, mucaaradka waxay kaloo diideen in lagu daro la taliyaha arimaha siyaasada ee AMISOM Babatunde Taiwo kooxda dhexdhexaadinta ee Soomaaliya. Babatunde waxaa lagu eedeeyay inuu xiriir dhow la leeyahay maamulka Farmaajo iyo in uu si dhow ula shaqeynayay agaasimaha hay'ada sirdoonka, Fahad Yaasiin.
GAROWE ONLINE