Maxaa ka cusub wadahadalka dowlada Soomaaliya iyo Jubbaland?

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa umuuqda kuwa gaaray heshiis horudhac ah kadib shir xasaasi ah oo maanta ka dhacay magaaladda Kismaayo.

Shirkaasi oo ay si wadajir ah u gudoomiyeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa lagu lafaguray arrimo dhowr ah oo ku saabsan khilaafka labada dhinac.

Illo ku dhow kulanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, Axmed Madoobe uu soo bandhigay waxyaabaha uu maamulkiisa ka tabanayo xukuumada.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in dowlada federaalka ay faragelin ku sameyneyso arrimaha gudaha maamulkiisa, taasoo uu dhowr jeer dalbaday in laga joojiyo.

Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka qorsheynta xukuumada federaalka ah, ayaa shaaciyay in qodobadii laga wada hadlay la isku afgartay.

"Waxaa laga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa wadasheynta labada dhinac iyo shaqaalaha dowlada, qoraalo ayaana la is-dhaafsaday," ayuu yiri Jamaal.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qodobada miiska saarnaa uu qayb ka ahaa doorashada madaxtinimada Jubbaland, wallow aan laga gaarin heshiis dhameystiran.

Villa Soomaaliya oo ku guuldareystay doorashadii Puntland ayaa raadineysa in musharax ku feker ah uu kusoo baxo doorashada Jubbaland ee Agoosto.

"Shirka wuxuu ahaa mid loo baahnaa in mar hore la qabto … qodobadii kasoo baxay fulintooda ayaan ka shaqeyn doonaa," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Wadahadaladda ayaa sii socon doona iyada oo uu caasimad goboleedka Jubbada Hoose uu ku sugan yahay Fahad Yaasiin, madaxa sirdoonka Soomaaliya, oo kasoo shaqeeyay wadaxaajoodkaan.

Safarka Khayre ee Kismaayo ayaa ahaa mid kamid ah natiijooyinkii kasoo baxay shirar qarsoodi ah oo uu Fahad Yaasiin magaalada Nairobi kula soo yeeshay Axmed Madoobe.

Arrinta ugu muhiimsan ee wadahadalka ayaa ah doorashada madaxtinimada Jubbaland, iyada oo aanan wali si dhab ah loo ogayn waxa iska bedalay mowqifka Axmed Madoobe oo ah in uu difaacdo kurigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM