Maxaa ka jira gacan-qaadka agaasime Subeer iyo Uleex?

Image
Garowe Online oo ka duuleysa oraahda "waxbo ma aaminin, ilaa la beeniyo" ayaa baaritaan ku sameysay qadiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay Baraha Bulshada dhex socday arrin ku saabsan in dagaal gacan-qaad ah uu dhex maray xoghayaha xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Maxamed Subeer iyo La taliyaha siyaasadda ee Ra'iisul Wasaaraha Axmednuur Uleex.

Warkan oo ay tabiyeen saxafiyiin maxali ah, ayaa waxaa markiiba beeniyay Mudane Uleex oo ku tilmaamay war been abuur ah oo aan sal baar toona lahayn.

Qoraal uu Uleex soo dhigay bartiisa Facebook oo Garowe Online ay hubto in uu isaga leeyahay, ayuu dadka ka codsaday in ay Facebook ku dacweeyaan saxafiga faafiyay arrinka.

Sidoo kale, idaacad lagu magacaabo City oo ay leeyihiin dad ay aad isu dhowyihiin Xoghayaha Joogtada ah ayaa Subeer kasoo xigtay in uu beeniyay warka dagaalka labada masuul.

Waxaa jirta oraah dhahaysa “waxbo ma aaminin, ilaa la beeniyo”, GO oo taasi ka duuleysa ayaa baaritaan kooban oo ay samaysay waxa ay ku ogaatay in intii muddo ahba uu khilaaf ka dhex jiray labada nin.

Wararka ayaa sheegaya in labada nin ay xitaa isku qabtaan cidda qaabilaysa waftiyada, magacaabista shaqaale hoosaadka iyo waliba Arrimaha maaliyadda.

Agaasime Subeyr ayaa saaxiib hore la ahaa Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre xiligii uu agaasimaha guud ka ahaa Wasaarada Cadaaladda ee xukuumadda federaalka. 

Uleex ayaa horey usoo ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiska xilligii Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuuna hadda ka mid yahay dadka u dhow Xamse. Kulamadii ugu dambeeyay ee ra'iisul wasaaruhu la yeesho wafuuda madaxda caalamka ayuu dhowr jeer kasoo muuqdey.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM