Maxaa ka jira in NISA ay "weerartey" aqalka Fahad Yaasiin?

Image
GO oo la hadlay sarkaal ka tirsan hay'adda ayaa beeniyey iney jiraan ciidamo tagey guri agaasimhii hore ee NISA.

MUQDISHO- Kadib markii maalintii shalay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka tirsan hay'adda NISA tageen guriga Agaasimihii hore ee hay'adda Fahad Yaasiin ayaa warsidaha GO waxaa u suurtagashey inuu wax ka ogaado xaqiiqda dhabta sida ay wax u dhaceen. 

GO oo la hadlay sarkaal ka tirsan hay'adda NISA oo diidey in magaciisa aan shaacino xaalada jirta awgeed ayaa beeniyey iney jiraan ciidamo tagey guri agaasimhii hore ee hay'adda.

“Waxaa amar la siiyey sarkaalka xakuma ciidamada Ilaalada u ahaa agaasimhii hore ee hay'adda iney ku soo xeroodaan xarunta hay’adda.” ayuu GO u sheegey sheegey sarkaalkaan.

Sarkaalkaan ayaa isagoo hadalkiisa sii wata sheegey "ciidamada laga soo kexeeyey aqalka agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa tiradooda waxay gaareysay Sodon askari oo ah kuwa sida gaarka u tababaran iyo Labo gaari.”

Sida warsidaha GO ogaadey ciidankaan ayaa waxaa hay’adda NISA u tababarey Dowladda Talyaaniga kuwaas oo si gaar ah ugu takhasusey Ilaalada taliyaha Hay’adaan.

“Hay’adda kama maaranto ciidamo si gaar ah u tababaran waana muhiim iney ilaalo u noqdaan Taliyaha cusub.” Sidaas waxaa GO u sheegey sarkaalkaan diidey in magaciisa la xuso.

Dhinaca kale wararka la helyo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeya in hay’adda NISA agaasimiheedii hore gurigiisa lagu soo reebey Hal gaari iyo 8 askari. 

Madaxweynaha la doortey Xasan Shiikh ayaa markii uu xilka la wareegay u magacaabey agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya Xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad Salaad oo ahaa xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa siyaasiyin aad ugu dhow Madaxweynaha la doortey ee Xasan Shiikh. 

Agaaaimhii hore ee hay'dda NISA oo dalka hadda ka maqan ayaa magaalada Muqdisho  ka dhoofey maalin ka hor inta uu Madaxweyne Xasan Shiikh galin VIlla Somalia. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo Is casilaya Kadib Fashilkii Aadan Yabaal 

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qabsatay 10 saldhig oo milatari ah, halka saraakiisha dowladda ay sheegeen inay iska difaaceen weerarada Kooxda.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 05:58AM

Cirro: Booqashada Xamse ee Laascanood waa "Weerar" Ka Dhan ah Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Somaliland ayaa si joogto ah uga digaya in Soomaaliya ay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee Somaliland.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 09:24AM