Maxaa ka jira in Ethiopia iyo Soomaaliya laga dhigayo hal Wadan?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ayaa ka hadashay war kasoo yeeray Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, kaasi oo la sheegay inuu ku yiri in isaga iyo Farmaajo kusoo heshiiyeen in Soomaaliya iyo Ethiopia laga dhigo hal dal oo mid ah.

Abiy Axmed ayaa hadalkaan sheegay markuu ku laabtay Addis Ababa, uuna la hadlayey warbaahinta dowladda, isagoo sharaxaad ka bixiyay qodobadii isaga iyo Farmaajo ku heshiiyeen markii uu Muqdisho booqday Sabtidii.

Daahir Maxmuud Geelle, wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa wuxuu ku tilmaamay warkaas mid aan waxba ka jirin, aynsana kamid ahayn heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in labada dal ay yihiin kuwa kala madax banaan, islamarkaana kaliya heshiiska uu ku kooban yahay Maalgashi dhanka Dekedaha, Iskaashi amni iyo is-dhexgal ganacsi, si shacabka labada dhinac looga faa'ideeyo.

Isagoo wareysi siinayay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu yiri Mudane Geelle: "Kaliya heshiiska wuxuu dhigayaa inay shacabka labada dal uga faa'idiyeen kheyraadka, ee labada dal way kala madax banaan yihiin."

Heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Dr Abiy Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa dhigayey in Ethiopia ay maal-geshato afar dekadood oo Soomaaliya ku yaala, oo halka ay kaga yaallaan dalka lagu sheegin war-murtiyeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM