Maxaa ka jira in kulamada baarlamaanka la joojinayo?
MUQDISHO, Soomaaliya - Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in madaxweynaha federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu hoosta ka riixayo in muddo sanad ah la hakiyo kulamada baarlamaanka federaalka.
Qorshahan aan wali soo shaac-bixin ayaa loo cuskanayaa dagaalada ka dhanka ah Alshabaab iyo xaaladaha degdegta ah ee dowladda doonayso in ay dalka kusoo rogto inta dagaalkaasi dhan u dhacayo.
Inkasta oo aysan jirin cid xaqiijinaysa wararka oo dowladda ka tirsan, haddane hadal hayntiisa waa mid aad u xooggan goleyaasha siyaasadda dhexdooda, iyada oo dowladda ay kolba qaadayso talaabo hor leh oo la xiriira dagaalka Alshabaab lagula jiro.
Sida wararka sheegayaan, qorshaha dowladda ayaa ah in ay kolba in ku dhowaaqdo go’aanadeeda cusub, halmarana aysan soo wada saarin go’aano badan oo dhinacyo kala duwan saameeya.
Maanta ayaa ugu dambeysay dowladda waxa ay shaacisay go’aankii ugu weynaa oo ah in ay hantidooda la wareegeyso ganacsatada lacagaha iyo taageerada siiya Alshabaab. Dowladda ma aysan shaacin magacyada kuwa ay yihiin ganacsatadaas.
Todobaad ka hor waxa ay dowladda soo saartay go’aan quseeya warbaahinta, kaas oo marka laga reebo inta loola dan leeyahay Alshabaab, saamayn kara warbaahinta madaxa banaan , iyada oo durba xabsiga loo dhigay mas’uuliyiin saxaafadda u dooda.
Waxaa la filan karaa go’aano kale oo quseyn kara goobaha cibaadada, kuwa waxbarashada iyo waliba dhanka socdaalka. Dadka dhaliila dowladda waxa ay sheegayaan in haddii laga dhabeeyo go’aanka hakinta kulamada baarlamaanka, in gebi ahaanba ay meesha ka baxayso kaalintii la xisaabtanka dowladda, iyada oo dhowaan uun ahayd markii dowladda ay kala dirtay guddiyadii la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kii adeegga garsoorka.
Dowlad goboleedyada qaar ayaa wararku sheegayaan in aysan la dhacsanayn go’aanka hakinta dowladda, la tashina ugu yeeri doonaan xildhibaanada dhankooda laga soo doorto haddii ay taasi dhacdo.
Baajinta kulamada ayaa ah arrin ku xiran guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka oo uu dhowaan ku dhacay isbadel culus kadib markii la badeley xoghayihii joogtada ee baarlamaanka ee mudada dheer xilka hayay.
GAROWE ONLINE