Maxaa kasoo baxay kulan dhexmaray madashii musharaxiinta?

Image
Lama ogga haddii dhinacyadda kale ee kulanka joogtey ay Shariif la qaateen soojeedintan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madashii hore ee Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa shalay fadhi gaar ah ku yeeshay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Kulankan ka dhacey guriga Sheekh Shariif ayaa waxaa goobjoog ahaa Shariif Sheekh Axmed, madaxwaynihii 7aad ee dalka, ra’iisul wasaarihii 19aad, Xasan Cali Khayre, madaxwaynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan, wasiirkii hore ee warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle iyo xubno kale.

Madaxweynaha la doortey Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo madasha ka tirsanaa, ayaan ka qeybgelin shirkan sababo aan si rasmi ah loo caddeyn.

Sidda uu ogaadey Garowe Online, abaabulka kulanka waxaa iska lahaa Sheekh Shariif kaasoo wareega koowaad ku haray doorashaddii qabsoontey 15-ka May kadib markii uu helay 39 cod, sida uu sheegay guddiga doorashada.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in Shariif oo shirka ka hadlay sheegay uu ujeedada is-aragan ay qeyb ka tahay in Hotel Jazeera looga mahadceliyo martigelinta kulamadda siyaasadeed kahor qabsoomida doorashaddii 15-ka May.

"Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey xubnaha Midowga Musharaxiinta sidda ay ula shaqeeyaan intii uu madaxda u ahaa golaha," ayuu yiri illo wareedyo ku dhow kulanka.

Macluumaadka uu helay GO ayaa intaas ku daraya in Shariif uu ka dalbadey dhigiisa kulanka joogtey in ay lixdii bilood ay mar kulan ku yeeshaan Muqdisho si ay u qiimeeyaan shaqooyinka iyo gaabisyadda xukuumadda lagu waddo in la sameeyo.

Lama ogga haddii dhinacyadda kale ee kulanka joogtey ay Shariif la qaateen soojeedintan iyo in ay uga balameen fadhi kale oo aan la ogeyn waqtiga uu qabsoomi doono.

Shariif oo hadda ah xubin ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu madax ka yahay xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran kaasoo fadhigiisu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM