Maxaa sababay in Fahad iyo Farmaajo dhabarka isku-aadiyaan?

Image
Illo xog-ogaal ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in labada mas'uul ay isku-maan-dhaafeen qadiyad xasaasi ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Isbaheysigii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay madaxwaynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Lataliyihii hore Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Daahir ayaa soo dhamaaday.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in burburka ku yimid isbaheysiga labada dhinac uu ka dambeeyay markii ay isku-maan-dhaafeen qadiyadda doorashada Galmudug.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Fahad uu ku adkeystay in kooxda ay dhisto Axmed Cabdi Kaariye [QoorQoor] hase ahaatee waxaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay Farmaajo oo diidey in QoorQoor uu kursiga kusoo laabto.

"Markii ay xaajada meeshaas gaartey, Fahad Yaasiin ayaa waxa uu madasha ka sheegay inuu la laabanayo latashi," ayay raaciyeen illo wareedyadda. "Markaas kadib waxaa laga war helay warqadii uu xalay soo saarey".

Dhanka kale, Fahad iyo Farmaajo ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay isku-qabteen cidda jiheynaysa siyaasadda kooxdooda siyaasadeed maadaama dalka uu haatan ku sugan yahay kala guur siyaasadeed oo xooggan.

Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan kala guurka ku yimid xiriirkii iyo wadashaqeyntii Farmaajo iyo Fahad uu saameyn badan ku yeelan doono jihada siyaasadda iyo doorashadda soo aadan ee Soomaaliya.

"Dad badan waxay rumeysan yihiin in Farmaajo uu wax ku waayay Fahad Yaasiin dartiisa. Laakiin lagama sii horudhici karo cawaaqibka ka dhalan karta kala tagga labadooda iyo cidda ku faa'iidi doonta," ayuu yiri qof xog ogaal ah.

Sikastaba ha ahaatee, kala tagga Fahad iyo Farmaajo ayaa sawir guud waxa uu ka bixinayaa sidda saaxiibtinimada siyaasadda Soomaaliya aysan mar walba u lahayn mid waareysa xataa haddii wax walba isla ogolaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM