Maxaa sababay in Hay’adaha QM ee Soomaaliya ay shaqaale tirro badan eryaan?

Image

MUQDISHO — Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii 2025 shaqada ka joojiyay in ka badan 680 qof, si loo yareeyo miisaaniyadda hawlaha gargaarka iyo horumarinta, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen.

Sida xogaha la helay ay muujinayaan, tiradaas waxaa ku jira 158 shaqaale caalami ah iyo 522 shaqaale Soomaali ah. Hay’adaha ay saameyntu ugu weyn tahay waxaa kamid ah UNICEF, World Food Programme (WFP), Food and Agriculture Organization (FAO), iyo UNFPA. Xafiisyada kale sida UNDP iyo hay’ado yar‑yar oo QM hoos yimaada ayaa iyaguna wajahaya dhimista shaqaalaha.

Sababta ugu weyn ayaa ah hoos u dhac baahsan oo ku yimid maalgelinta gargaarka iyo horumarinta — deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa gacan ka joojiyay ama dib u dhigay taageerada. Sida uu sheegay WFP, tirada dadka hadda helaya gargaar cunto degdeg ah ayaa hoos loo dhigay, taas oo sabab u ah “critical funding shortfall”. 

Dib-u-dhacani wuxuu sii adkeeyay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, xilli malaayiin qof wajahayaan macluul, gaajo iyo barakac sababo la xiriira abaare, colaado iyo sicir‑kaca cuntada. 

Falanqeeyayaasha arrimaha gargaarka ayaa digniin ka bixiyay in haddii aan la helin maalgelin cusub, adeegyada muhiimka ah ee ay hay’adaha QM bixiyaan sida cunto, nafaqo, biyo, caafimaad iyo taageero bulsho ay halis galaan — taasoo saameyn toos ah ku yeelan karta malaayiin Soomaali ah oo hadda ku tiirsan gargaar.

Waxaa la filayaa in shirka deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dhowaan la filayo uu go’aan ka gaaro sidii loo badbaadin lahaa howlaha gargaarka ee Soomaaliya, si aanan xaaladdu uga sii darin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM