Maxamed Koonaa: Wariye, samafale iyo naxdintii uu kusoo koray

Image
Saxafiga ayaa kamid ahaa tobanaanka ruux ee ku naf-waayay qaraxyadii ka dhacay isgoyska Soobe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye Maxamed Ciise Xasan Koonaa ayaa ku howlanaa warbixin muuqaal ah oo uu ka diyaarinayay khudbad uu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii qarax uu dhacay abaare 2:10 duhurnimo waqtiga maxaliga ah Muqdisho Sabtidii.

Dhismaha ay dagan tahay warbaahinta  uu ka howlgalayey Koonaa ayaa gariiray waxaana soo daatay muraayadaha falka kadib. Wariyaha ayaa asxaabtiisa u sheegay in uu u malaynayo in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow oo uu doonayay in uu si toos ah u soo tabiyo.

Dhanka isgoyska Zobe, oo qiyaastii 300 mitir u jirtay, ayuu u jiheystay Qiyaastii siddeed daqiiqo ka dib, waxaa dhacay qarax labaad oo ka sii weyn midkii koowaad ee uu u kacay.

Saxiibkii Koonaa oo ah muuqaal-duube lagu magacaabo Cismaan Maxamuud Cismaan, ayaa sheegay in uu ka walaacay badqabka Koonaa, uuna wacay nambarkiisa, balse taleefoonku ma dhicin isla markiiba sababo ku aadan isgaarsiinta oo cilad ay soo wajahdey.

Dhowr isku day ka dib, qof ayaa ka jawaabay wicitaankii. "Ma tahay Cismaan?" cod ayaa la waydiiyay. “Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo” ayuu codku sii raaciyay, isagoo xusaya geerida milkiilihii telefoonka. Codkaas ayaa ahaa askari taleefoonka qabtay.

Wadada dhinaceeda

Cismaan wuu rumaysan waayay waxa uu hadda maqlay. Mar labaad ayuu wacay telefoonka si uu laba jeer u hubiyo. Isla codkii ayaa u sheegay. "Ninkan dhallinyarada ah wuu dhintay, waddada ayuu jiifaa."

Cismaan iyo saaxiibadii kale ayaa goobta u cararay si ay meydka Koonaa u soo qaadaan, balse ciidamada ayaa ka hor istaagay inay goobta u soo dhawaadaan iyagoo ka baqaya qaraxyo kale.

"Darbi agtiisa ayaan istaagnay, waxaan aragnay meydkiisa oo waddada dhinaceeda yaalla," ayuu ku daray Cismaan oo u waramay Warbaahinta VOA-da ee fadhigeedu yahay Mareykanka.

Qiyaastii labaatan daqiiqo kadib falkaas, ambalaas ayaa soo qaadey maydka. Cismaan iyo asxaabtiisa ayaa loo sheegay inay aadaan isbitaalka Madiina oo meydadka lagu keydiyo.

Saaxiibadu waxay sheegeen Koonaa oo 31-jir ahaa uu ahaa wariye karti badan. Cilmiga warbaahinta ayuu ku bartey Jaamacadda Garden City ee magaalada Khartoum ee Suudaan, wuxuuna dib ugu soo laabtay Soomaaliya sanadkii 2017-kii si uu xirfaddiisa u sii wato.

Koriin naxdin leh

Maalintaas, marka laga reebo qorista qoraalka ku saabsan khudbadda Maxamuud, waxaa loo qorsheeyay inuu ka diyaariyo warka kooban ee telefishinka M24 oo uu ka howlgalayey.

Ka waramida wararka khuseeya arrimaha xuquuqul insaanka iyo dadka saboolka ah ayuu aad u jeclaa. Saaxiibadiis waxa ay sheegeen in uu ka warami jiray sheekooyin saameeya bulshooyinka danyarta yar

Waxa uu ka warbixiyey dugsi ay wax ku bartaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, qof la ildaran xanuun aan loo meel dayin, haweeney gurigeeda ku weyday dab qabsaday, iyo xaaladda dadka barakacayaasha ah.

Koonaa wuxuu lahaa korriin naxdin leh, oo ay saameeyeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay 1990-meeyadii. Aabihii waxaa dilay madfac. Hooyadii waxaa haleeshay rasaas habow ah. Walaalkii ka waynaa burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa nolosha u aqoonsatay.

Marxuumka oo maalin kadib qaraxaas lagu aasay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa ifka wuxuu kaga tagay xaas iyo cunugooda oo lix bilood jir ah. Sheekadda Maxamed Ciise Koonaa waxay lamid tahay dhacdooyin kale oo dalka ka dhaca maalin walba iyo waqti kasta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM