Maxamuud Sayid Aadan oo tegay Beledxaawo; xaalada oo cakiran

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa geeray magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Maxamuud ayaa lagu waramay in uu magaalada ka galay dhanka xuduudka Kenya, isagoo uu wehliyo Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland.

Booliska Soomaaliya oo sheegay in Janan uu 28-kii Janaayo ka baxsaday goob lagu hayey ayaa Kenya iyo Interpol waydiistay in ay u soo gacan geliyaan.

Socdaalka Maxamuud ayaa yimid iyaddoo magaalada ay isku hor-fadhiyaan ciidamo kala taabacsan Jubaland iyo xukuumada Soomaaliya.

Ciidamadda daacadda u ah Jubaland ayaa la sheegay in ay gacanta ku hayaan qeybta xigta Saldhiga Booliska iyo Kastamka.

Odayaasha dhaqanka iyo dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in ay jirto cabsi xoogan oo ku saabsan in uu dagaal qarxi karo saacad walba.

Khaliif Xaaji Xasan, oo kamid ah wax-garadka, ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in ay wadaan dedaalo ay ku doonayaan in looga baaqsado arrintaas.

"Cuqdad"

Xiisadda ka jirta gobolka Gedo ayaa ka dhalatay ciidamo isku dhaf ah, gaadiid dagaal iyo hub oo Dowladda Federaalka ah u daabushay gobolkaas.

Jubaland oo cambaareysay arrintaas kuna tilmaantay "faragelin" ayaa ka digtay cawaaqib-xumo ka dhalan karta dhaqdhaqaaqyaddaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa su'aal geliyey sababta ay dowladda ciidamo ugu direyso Gedo, iyaddoo caasimadda aysan ammaan ahayn.

"Dowladda Federaalka ah ciidan Al-Shabaab la dagaala ma hayso, meelaha laga xoreeyo Al-Shabaabna ciidan xasilliya ma hayso, laakiin boqolaal ciidanka iyo gawaarida dagaalka way u haysaa in ay Gedo kaga qabsato Juballand, Dhuusamareeb na Ahlu-Sunna," ayuu kusoo xoray Facebook.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa si furan kaga digay "cuqdadaha ka dhasha colaadda ay dowladdu hurinayso".

"Al-Shabaab labo jeer ayey faa’iideen; waa mar oo dagaal lagulama jiro, marka labaadna cuqdadaha ka dhasha colaadda ay dowladdu hurinayso, waxay ka helayaan taageerayaal badan. su’aaashu waxay tahay sow xooga dawlada Alshabaab looguma shaqeeyo," ayuu kusoo xiray.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay xasilooni daro ka abuurto dowlad goboleedyadda siyaasad ahaan ka aragti duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM