Maxay kawada hadlayaan Nabad Sugida Kenya iyo Somaaliya ?

Image

(GO) - Taliyaha hey'adda Nabad Sugidda ee dalka Keyna (NIS) Nuurdiin Maxamed Yusuf ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo soo dhaweeye dhiggiisa hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya u qaabilsan Mahad Salaad.

Mas'uulintaan ayaa qabanaya kulan looga arrinsanaayo sida loo xoojin lahaa xiriirka labada hey'dood oo udub dhaxaad u ah la dagaalanka kooxaha argagaxisada oo weeraro ka fuliya labada dal.

Imaatinka Taliya Hey'adda Nabad Sugida ee dalka Keyna ayaa imanaya xilli baahi loo qabo in labada dhinac ay is dhaafsadaan macluumaadka amniga la xiirira, iyo in la mideeyo dadaalada lugu soo af jarayo kooxaha nabad-diidka ah.

Dhinaca kale, Nuurdiin ayaa doonaya inuu wanaajiyo xiriirka amni ee kala daxeeyo Soomaaliya, si uu u wajaho khataraja amni ee dalkiisa ka soo wajahay weerarrada argagixisada.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa xilli Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen ciidamada Kenya ee ku sugan xadka labada dal, gaar ahaan degmada Mandheera oo ay AS ku weerareen saldhig ciidan.

Weeraradaasi waxa ay isku soo dhaweysey Soomaaliya iyo Kenya, si ay u dhisaan xiriir dhinaca ammaanka ah. Dhinaca kale Nuuradiin ayaa doonaya in uu wanaajiyo xiriirka amni ee kala dhexeya Soomaaliya. Iyadoo inta badan ay ka dhacaan dalka Kenya falal amni daro ah oo uga yimaada dhinaca Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM