Maxay kawada hadlayaan Nabad Sugida Kenya iyo Somaaliya ?

Image

(GO) - Taliyaha hey'adda Nabad Sugidda ee dalka Keyna (NIS) Nuurdiin Maxamed Yusuf ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo soo dhaweeye dhiggiisa hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya u qaabilsan Mahad Salaad.

Mas'uulintaan ayaa qabanaya kulan looga arrinsanaayo sida loo xoojin lahaa xiriirka labada hey'dood oo udub dhaxaad u ah la dagaalanka kooxaha argagaxisada oo weeraro ka fuliya labada dal.

Imaatinka Taliya Hey'adda Nabad Sugida ee dalka Keyna ayaa imanaya xilli baahi loo qabo in labada dhinac ay is dhaafsadaan macluumaadka amniga la xiirira, iyo in la mideeyo dadaalada lugu soo af jarayo kooxaha nabad-diidka ah.

Dhinaca kale, Nuurdiin ayaa doonaya inuu wanaajiyo xiriirka amni ee kala daxeeyo Soomaaliya, si uu u wajaho khataraja amni ee dalkiisa ka soo wajahay weerarrada argagixisada.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa xilli Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen ciidamada Kenya ee ku sugan xadka labada dal, gaar ahaan degmada Mandheera oo ay AS ku weerareen saldhig ciidan.

Weeraradaasi waxa ay isku soo dhaweysey Soomaaliya iyo Kenya, si ay u dhisaan xiriir dhinaca ammaanka ah. Dhinaca kale Nuuradiin ayaa doonaya in uu wanaajiyo xiriirka amni ee kala dhexeya Soomaaliya. Iyadoo inta badan ay ka dhacaan dalka Kenya falal amni daro ah oo uga yimaada dhinaca Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM