Maxay kawada hadleen Agaasimaha Socdaalka iyo Axmed Madobe?

Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa waxay gaareen Khamiistii shalay magaalada Kismaayo.

Wafdiga Agaasimaha waxay isugu jireen shaqaale ka tirsan Hay'adda iyo madax dhanka maamulka Hay'adda qaabilsan, waxaana si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, iyagoo kadib loo gudbiyay dhanka Madaxtooyadda.

Agaasime Koofi iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa yeeshay kulan gaar ah, kaasoo albaabada u xirnaa, islamarkaana aanan warbaahinta looga warbixin waxyaabihii ay kawada hadleen labada dhinac.

Macluumaad uu Warsidaha Garowe Online ka helay madaxtooyadda Jubbaland, ayaa sheegaya in Koofi iyo Axmed madoobe ay kawada hadleen furitaanka xarun cusub, oo Hay'dda Socdaalka ku yeelaneyso Kismaayo, iyo qodobo kale.

Sidaasi si lamid ah, wafdiga kale ee la socday Agaasime Koofi ayaa waxay dhankooda la kulmeen mas'uuliyiinta dhanka socdaalka ee maamulka Jubbaland oo uu ku jiro Agaasimaha Hay'addan Abdisalaan Hasan Husen [Malow].

Dowladda Soomaaliya hadda kuma lahan Kismaayo xarun rasmi ah oo Socdaalka iyo Jinsiyadaha, inkastoo ay u joogaan wakiilo, hadana Shacabka ayaa dhibaato ku qaba helitaanka adeegyadda Baasaboorada.

Dhibaatooyinka jira waxaa kamid ah in Baasaboorka dalka aysan ka helin si toos ah gudaha Kismaayo iyagoo usoo doonta magaalada Muqdisho, taasoo dadka cabashooyin badan ay ka muujiyeen, maadaama safarka dheer uu kharash badan uga baxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM