Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka labada dal si loo horumariyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo ganacsiga, iyaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac.

Labada hoggaamiye ayaa xoogga saaray in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal oo muddo dheer jiray, iyagoo si gaar ah u carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dardar-geliyo iskaashiga amni maadaama Soomaaliya ay waddo dadaallo dhanka dhismaha dowladnimo ah.

Marka laga soo tago amniga, madaxdu waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, amniga iyo arrimaha milatariga. Masar ayaa xilligan ka mid ah waddamada ciidamadu ka qeyb qaataan howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

War ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay intii ay wadahadalkooda lahaayeen dib u xaqiijiyeen ballanqaadka ay ku xoojinayaan xiriirka labada dhinac iyo wada shaqeynta dhinacyada amniga, waxbarashada, diblomaasiyadda iyo caafimaadka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku muujiyay mahadnaqa shacabka Soomaaliyeed ee uu u hayo taageerada joogtada ah ee Masar iyo saaxiibtinimada dheer ee labada dal.

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono, taasoo muujinaysa sida xiriirka labada dal uu u sii qoto-dheereynayo.

Labada dhinac ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay horumarka heshiiska iskaashiga ee bishii August 2024 la saxiixay, iyagoo ballan qaaday in la dedejiyo hirgelinta heshiiskaas. Masar ayaa taageero siisa Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo difaaca xuduudaha iyo madax-bannaanida, gaar ahaan markii ay khilaaf ka dhex qarxay Itoobiya.

Masar ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale tababbar siinaysa ciidamada dalka, gaar ahaan kuwa badda. Itoobiya iyo Masar ayaa isku haya xakamaynta Badda Cas, iyadoo Masar ay sheegtay in Addis Ababa aysan xaq u lahayn inay ka hesho badda marin Soomaaliya ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Diblomaasiyiinta Ajnabiga gaarsiiyay Fariin ku saabsan qorshihiisa doorashadda

Wadahadalladan ayaa yimid xilli siyaasadda dalka ay aad u kacsan tahay, kadib kulan kale oo 5-tii Luulyo ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 05:37PM

Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 08:59AM