Maxay salka ku haysaa booqashada Khayre ee Rwanda? [DAAWO]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa wuxuu gaarey Magaalada Kigali ee caasimada wadanka Rwanda, kadib markii uu ka duulay galabnimadii Axadda garoonka Muqdisho.

Sodcaalka uu Khayre ku tegay wadanka Rwanda waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golahiisa, oo uu ku jiro asiiru dawlaha arrimaha dibadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Khayr.

Wafdiga Khayre waxaa garoonka caalamiga ah ee magaalada Kigali kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dowladda Rwanda, iyagoona loo gal-biyay dhanka Madaxtooyadda.

"Waxaan gaaray magaalada Kigali kadib Casuumaad rasmi ah oo aan ka helay dawladda Rwanda, Si aan uga wada hadalno xiriirka labada dal iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka Soomaaliya ka socda," ayuu yiri Khayre.

Waxaa lagu wadaa inuu kulamo la qaatay saacadaha nagu soo food leh, Ra'iisul Wasaaraha dalka Rwanda ee Edouard Ngirente, kaasoo horudhac u ah kulan uu Khayre la qaadan doono Madaxweynaha Rwanda.

Kulanka Khayre iyo Paul Kagame, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka labadda dal, amaanka iyo mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo gabaabsi ku dhow.

Paul Kagame, Madaxweynaha Rwanda oo sidoo kale ah sanadkaan madaxa Midowga Afrika, waxaa lagu wadaa in isaga iyo Khayre si qoto dheer uga wadahadlaan arrinta AMISOM.

Sidaasi si lamid ah, illo xog ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in Khayre uu la kulmi doono Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Moussa Faki, kaasoo hadda ku sugan Magaalada Kigali ee wadanka Rwanda.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Khayre safar deg deg ah oo uu ku tegay wadanka Norway uu kasoo laabtay, waxaana safarkiisa Rwanda kusoo aadayaa iyadoo dowladdu ku adkeysatay qorshaha bixitaanka AMISOM oo 2022-ka loo mudeeyay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM