Maxaa loo cayriyay madaxii amniga doorashada Galmudug?

Image
Dadka ka falciyay ayaa talaabadaan ku macneeyay in hoos loo dhigo galaangalka uu ku leeyahay kuriga HOP #147.

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Taliyaha Milatariga Soomaaliya Generaal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa xilka ka qaaday taliya guudatada 15 aad ee qaybta 21 ee CXDS, General Mascuud Maxamed Warsame oo ahaa madaxa amniga doorashada Galmudug sababo la xiriira ku shubashada doorashada golaha shacabka.

Mascuud hogaamiyay ciidankii Ahlusunna ku wareejisay Dowladda Federaalka 2019, ayaa hada lagu badalay sarkaal lagu magacaabo Col. Bashir Ciise Daarood oo daacad u ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor iyo Cali Yare Cali oo isleh aad boobtiin kursiga Xildhibaan Mahad Salaad ku fadhiyo ee HOP#147, ayaa xilka qaadista Mascuud ka dalbaday Generaal Odowaa waxaana laga aqbalay” sidaas waxaa GO u sheegay sarkaal ka tirsan milatariga oo diiday in aan magaciisa xigano sababtoo ah looma ogola in uu ka hadlo arintaan.

Dadka ka falciyay ayaa talaabadaan ku macneeyay in hoos loo dhigo galaangalka uu ku leeyahay kuriga HOP#147 ee laga soo doorto degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Sarkaalka ayaa sheegay in Mascuud Xilka laga qaaday ka dib markii looga yeeray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho "mana cada in loo fasixi doono in uu deegaankiisa dib ugu laabto ah cabsi laga qabo in uu diido xilka qaadista lagu sameeyay".

Inkastoo Mascuud uu horay u ahaa taliyaha guud ciidankii ururka Ahlusunna hadana waxa uu hoggaaminayay ciidankii maleeshiyada Ururka kula dagaalamay Guriceel October 2021 kaas oo dhaliyay dhimashada in ka badan 100 ruux oo ay ku jiraan saraakiil Ciidanka.

Xilka qaadistiisa ayaa sidoo kale imaanaysa iyada oo deegaano hoosta degmada Guriceel, Dhuusamareeb iyo Cadaado ay weeraro ka gaysteen maleeshiyada Ururka Al-Shabaab, deegaano lagu magacaabo Bohol oo hoos taga magaaladda Caasimadda ah maamulka ee Dhuusamareebna ay ku suganyihiin ciidan ka mar qaata hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM