Muxuu Mursal uga baaqdey Shirka Baydhabo?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal ayaanan ka qeybgaleynin Shirka Amniga Qaranka ee la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Baydhabp.

Maxamed Mursal, ayaa sida Warsidaha Garowe Online uu ogaadey u duulay dalka Turkiga taasina ay tahay sababta ugu wayn ee uu uga baaqsaday shirka.

Ujeedka socodaalkiisa Turkiga ma ahan mid si dhab ah loo ogyahay, balse warar ayaa sheegaya inuu salka ku hayo arrimo ku saabsan mashruuca dhisamaha Gollaha Sharci-dejinta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

In Maxamed Mursal uusan ka qeybgayn shirka Baydhabo ayaa lagu fasiray in gudoonka cusub ee Gollaha uu dhanka Xukuumadda awoodiisa u weecantay, marka la eego Afhayeenkii ka hore oo ka qeybgali jiray shirarka noocan ah.

Mursal ayaa ahaa wasiirkii difaaca oo mudo gaaban hayay, isagoo xilkaasi iska casiley si uu ugu tartamo Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, oo Jawaari baneeyay, waxaana la sheegay in doorashadiisa ka dambeeyay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Shirka Amniga Baydhabo oo lagu wado inuu qaato maalmo badan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimo waa weyn oo ay kamid yihiin, helida ciidamo qaran, siyaasadda iyo kuwa kale.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa midka si rasmi ah ufuri doono kulanka Baydhabo, kaasi oo daba socday shirarkii hore ee ka dhacay Muqdisho.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Yariisow iyo hogaamiyaasha maamulada ayaa dhamaantooda xalay ku hoyday Baydhabo si ay uga qeyb-galaan shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM