Maxay tahay sababta uusan Farmaajo uga hadlin arrimaha xasaasiga ah?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahiyay sababta uusan uga hadlin marka dalka ku jiro xaalad adag oo siyaasadda ah, ama ay taagan tahay arrin xasaasi ah.

Wuxuu sheegay in isaga uu yahay meesha ugu dambeysay ee dhibaatada markaas taagan loo baahan yahay inuu xaliyo, balse, aysan "habooneyn inuu ka fakta hore ka hadlo wax walboo oo taagan".

"Madaxweynhu waxba kama bilowdaan wayse ku dhamaadaan. Madaxweynuhu ma hor-ordi karo shaqadda, maxaa yeelay hadii uu isaga hor-ordo oo ay wax halaabaan xagey lagu noqonayaa?" ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu Madaxeynaha cod dheer ku sheegay in kaliya shaqadiisa ay ku egtahay inuu magacaabo Ra'iisul Wasaaraha, islamarkaana uu sheeda kala socdo wax walba.

"Macnaheedu waxay tahay Madaxweynuhu waxa uu leeyahay oo ay wax ka bilowdaan waa magacaabista Ra'iisul Wasaaraha. [Marka] Ra'iisul Wasaaraha ayaa iska leh masuuliyada xukuumada," ayuu raaciyay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka hadlay colaada ka taagan Tukaraq, taasoo udhaxeysa Puntland iyo Somaliland, isagoona sheegay inuu si joogta ah ula xiriiro labada hogaamiye.

"Si joogta ah ayaan ula hadlaa labadda dhinac, waxaana isku deyaa inaan heshiiso, marar waan ku guuleystaan," ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Mudane Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ku faanney in xafiiskiisa aysan ka jirin qabyaalada isagoo xusey in sumacadii dowlada uu soo celiyey iyadoo maanta ay jirin wadan uu hoos fadhiyo qaranka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Farmaajo oo si kooban udul-maray shirkii Baydhabo iyo Qodobadii kasoo baxay qaabka loo dhaqan gelin karo, ayaa wuxuu rajo wanaagsan uu ka muujiyay inay noqdaan kuwa la dhaqan geliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM