Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday haweeney lagu helay dilka Sabiriin 

Image

Gaalkacyo, Soomaaliya – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa xukun dil ah ku ridday Hodan Maxamuud Diiriye, oo lagu helay dilka Sabiriin Saylaan, gabar 14 jir ah oo ku noolayd gurigeeda.

Xukunka ayaa kasoo baxay kaddib dhageysi dheer oo saacado qaatay, kaas oo si toos ah looga baahiyay baraha bulshada, taas oo sii kordhisay xiisaha iyo caro shacab ee kiiskan ka dhashay.

Maxkamaddu waxay sidoo kale hal sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $500 ku ridday ninkeeda oo 65 jir ah, kaasi oo lagu helay inuu ku lug lahaa kiiska inkastoo uusan si toos ah u fulin dilka.

Hodan oo maxkamadda ka hor sheegtay inaysan dilin Sabiriin ayaa haddana qiratay inay si joogto ah u jirdilaysay gabadha. Balse xeer-ilaalintu waxay soo bandhigtay caddeymo ay maxkamaddu ku qancday oo muujinaya in iyadu si toos ah ugu sabab ahayd dhimashada Sabiriin.

Labada eedeysane ayaa helay hal bil oo ay racfaan ku qaadan karaan, halka qareenka difaaca uu sheegay inuusan ku qanacsanayn xukunka, isla markaana uu horey u gudbiyay racfaan ku saabsan xukunka Hodan.

Dhinaca kale, maydka Sabiriin, oo aan la aasin intii ay socotay dacwadda, ayaa lagu wadaa in galabta loo gudbiyo qoyskeeda si loogu aaso.

Dilka gabadhan yar ayaa horseeday caro xooggan iyo dibadbaxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo toddobaadkii hore sababay dhimashada hal qof iyo khasaare hantiyadeed oo ballaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM