Maxkamad soo saartey amar lagu soo beegay safarka Rooble ee UAE

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amar ku bixisay in aan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya laga labixin karin lacagtii Imaaraadka looga qabtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho April 2018, taasoo gaareysa $9.6 million.

Warqadda Maxkamadda ayaa lasoo saarey waxyar kadib markii Ra'iisul Wasaare Rooble u safray dalka Imaaraadka, oo la sheegay inuu Casumaad aan la ogeyn ujeedkeeda ka helay, isagoo la filayo inuu wadahadallo la yeesho madaxda dalkaasi katirsan Khaliijka.

Rooble ayaa 7-dii bishan sheegay in lacagtaas dib loogu celin doono Imaaraadka, isago ka raali geliyey qabashadda lacagtan, oo NISA qabatay xili dalka lagu soo geliyay diyaarad gaar ah oo Abu Dhabi ka timid, waxaana lagu wadey boorsooyin saddex gaaraya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa sheegay in lacagta aan laga saari karin Bankiga Dhexe, inta laga soo gaba-gabeynayo baaritaanka ku socdo.

Farmaajo ayaa horey ugu amray Gudoomiyaha Bangiga Dhexe inuusan bixin karin lacagta, oo uu sheegay inay si sharci-darro ah kusoo gashay wadanka. Labada mas'uul ayaa ka dhaxeeya dagaal siyaasadeed iyo loolan adag.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM