Maxkamadda Sare: Mudo-xileedka Xasan Sheekh wuu dhamaadey waa in doorasho la qabtaa 3 bilood gudahooda
MUQDISHO — Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aamisay in muddo-xileedyada dastuuriga ah ee Madaxweynaha, Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumadda ay dhammaadeen sannadkan 2026 horaantiisa, iyadoo sharci-darro iyo waxba kama jiraan ku tilmaantay tallaabooyinkii ay hay’adahaasi qaadeen kadib markii muddooyinkoodu dhamaadeen.
Go’aankan oo ay Khamiistii, 5-tii Nofeembar 2026, soo saartay qaybta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, ayaa ka dhashay dacwad uu gudbiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas oo la xiriirtay wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo sharciyadda tallaabooyinka ka dhashay.
Maxkamaddu waxay diidday qayb ka mid ah dacwadda Sheekh Shariif ee ku saabsanayd habraacii loo maray wax-ka-beddelka dastuurka, iyadoo ku sababaysay inuusan lahayn sifada sharci ee uu dacwaddaas ku furi karo, sida uu dhigayo qodobka 86-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah.
Hase yeeshee, waxay aqbashay qaybta kale ee dacwadda, taas oo ku saabsanayd sharciyadda kordhinta muddo-xileedyada hay'adaha dowladda Federaalka.
Maxkamaddu waxay sheegtay in wax-ka-beddel kasta oo dastuurka lagu sameeyo oo khuseeya muddada xilhaynta hay'adaha dowladda ay tahay in si cad loogu qeexo inuu khuseeyo hay'adaha xilka haya iyo in kale.
Waxay tilmaantay in haddii aan arrintaas si cad loo qeexin, muddada cusub aan si toos ah loogu dabaqi karin hay'adaha xilka haya, balse ay sii ahaanayso muddadii lagu doortay.
Iyadoo taas ka duulaysa, Maxkamaddu waxay go’aamisay in muddo-xileedka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, halka kan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ekaa 15-kii Maajo 2026.
Sidoo kale, waxay sheegtay in muddo-xileedka Xukuumadda Federaalka uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, maadaama awoodda kalsooni-siinta iyo kormeerka xukuumaddu ay ka timaaddo Baarlamaanka.
Maxkamaddu waxay caddeysay in hay’adahaasi aanay awood u lahayn inay adeegsadaan awoodahooda dastuuriga ah wixii ka dambeeyay dhammaadka muddo-xileedyadooda, iyadoo dhammaan tallaabooyinkii ay qaadeen muddadaas ku tilmaantay kuwo aan waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga, isla markaana aan waxba ka jirin.
Dhanka kale, go’aanka ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka ay tahay hay’adda keliya ee awood u leh inay sii waddo maamulka xilgaarsiinta, balse ay tahay inay ku koobnaato hawlaha maalinlaha ah, kana fogaato go'aannada waaweyn ee ka baxsan waajibaadkaas.
Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale dhammaan dhinacyada ku lugta leh doorashooyinka ku amartay inay muddo 30 maalmood gudahood ah ku gaaraan heshiis ku saabsan hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, iyadoo muddo 90 maalmood ah u qabatay in doorashooyinka lagu qabto.
Go’aankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysay khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya dowladda Federaalka, mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kaas oo salka ku haya wax-ka-beddelka dastuurka, muddo-xileedyada hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashooyinka.
Go’aanka waxaa saxiixay shan garsoore oo uu hoggaaminayay Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
GAROWE ONLINE